Iftiimin: Habraaca sharciga ah ee loo maro muranada doorashada dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoonka Guddiga Doorashada Qaran ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, William Ruto uu yahay madaxweynaha cusub kadib loolan ilaa gabagabadiisa aad la isku cirbiyay oo dhex maray isaga iyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Odinga ayaa ku gacanseyray natiijada isaga kasoo qaaday wax kama jiraan uusan sahal ku aqbali doonin. Balse ma ahan markii koowaad oo uu sidan oo kale u diido natiijada. Sannadihii 2013 iyo 2017 wuxuu maxkamadda u hordhigay racfaan uu ku dalbanayo in dib-u-eegis lagu sameeyo natiijada – isaga oo sheegtay in looga shubtay.

Haddaba, habraac sidee ah ayaa loo maraa xalinta murannada ka dhasha natiijada doorashooyinka?

Sannadkii 2010-ka, waxaa la meelmariyay xeer cusub oo dhigaya sida iyo tubaha loo maro haddii la isku qabto natiijada doorashada. Waxayna daba-soctay – oo ayna jawaab u ahayd – doorashadii qalalaasaha dhalisay ee dhacday sannadkii 2007 markaas oo in ka badan 1,200 oo qofood ay ku dhinteen.

Rabsadahaas waxaa qeyb ahaan lagu eedeeyey dhinacii loolanka looga adkaaday inay abaabuleen madaama aysan ku qancin go’aankii maxkamadda ee xilligaas.

Xeerkan cusub, ayaa si kastaba, dhisay maxkamad sare oo ka kooban toddobo xubnood kuwaas oo ay shaqadoodu tahay inay xal-waara u helaan soona afjaraan natiijada doorashada.

Waqtigee kama dambeys u ah oo maxkamadda loogu soo gudbin karaa racfaanka? 

Kuwa aan aqbalin natiijada ee racfaanka qaata waxaa laga doonaya inay cabashadooda usoo gudbiyaan maxkamadda sare muddo 7 maalmood ah oo ka dambeysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada.

Maxkamadda ayaa qabata shir ay ku dhan yihiin maqaawiirta ugu sarreysa xisbiyada si loo asteeyo jadwalka dhageysiga tabashada iyo tubaha kale ee loo marayo go’aan gaaridda.

Dastuurka ayaana faraya in maxkamadda ugu sarreysa dalka ay ku dhawaaqdo go’aankeeda muddo 14 cisho oo ka bilaabanaysa kolka gal-dacwadeedka kiiska uu gacantooda soo galo.

Iyada loo eegayo adkaanshiyaha jadwalka, waxay maxkamaddu soo saartaa natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan go’aankeeda ilaa marka dambe ay ku dhawaaqdo.

Sidee u badan tahay in maxkamddu go’aamiso?

Marka maxkamadda loola yimaado racfaanka iyo diidmaad natiijada doorashada qaran, waxaa u furan saddex doorasho.

Haddii ay hesho caddaymo ayidi kara in sharci ahaanshiyaha natiijada su’aal la gelin karo, waxay gebi ahaanba laali kartaa natiijada – iyada oo amri karta in doorasho kale lagu qabto muddo 60 cisho ah; ama waxay eeddaynta ku celin kartaa habraacii loo maray ku dhawaaqista natiijada kadibna waxay qaadataa go’aan tilmaamaya inaysan caddaymo ku filan oo ay ku diido natiijada.

Tan ugu dambeysana waa inay gebi ahaanba aqbasho natiijada haddii ay ogaato in loo maray habraacyadii saxda ahaa.

Si maxkamaddu u gaarto go’aanka, waxaa xusid mudan inay u baahan tahay dib-u-eegis inay ku sameyso codadka la dhiibtay – dibna loo tiriyo.

Maxaa dhacay doorashadii hore? 

Maxkamadda ayaa ku gacanseyrtay natiijadii Uhuru Kenyatta ka dhigtay mar labaad in la doorto – iyada oo heshay caddaymo muujinaya in lala leexsaday laguna shubtay natiijada meelo badan oo laga codeeyey.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ogaatay sinnaan la’aan ka jirta habtirinta codadkii la dhiibtay ee loogu codeeyey xildhibaannada qaar iyo midka madaxweynaha.

Saddex kamid ah garsoorayaashii qaadacay natiijada doorashada ayaa weli jooga maxkmadda – halka horjoogahoodii uu howlgab noqday sannadkii lasoo dhaafay. Waxaana booskiisa beddeshay Martha Koome oo ah haweeneydii koowaad ee jagadaas u qabata Kenya.

Laakiin mid kamid ah garsoorayaasha ugu doodaha kulul ayaa wali ku jira booska keydka, halka midkii howlgabka noqdayna booskiisa la buuxiyay.

Markii lagu celiyay doorashadii madaxtinimada bishii October sannadkaas, kiis kale ayaa la geeyey laakiin maxkamadda ayaa laashay – iyada oo ansixisay natiijada; taas oo Uhuru Kenyatta u caleemo saartay mar kale inuu shan sanno kale sii hoggaamiyo dalka Kenya. 

Kala xiriir: hiraal86@gmail.com