IGAD oo ku shireysa Kismaayo iyo shirkii Nairobi oo lasoo rarayo + Doorasho ka dhaceysa. “XOG”

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in urur Goboleedka IGAD uu go’aamiyay in shirka gudiga farsamada ee ka socda Nairobi loo raro magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isbuuca soo socda.

Wararka oo aan ka helnay ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in dhamaan 12-ka xubnood ee gudiga farsamada iyo madaxda saxiixayaasha ay dhowaan gaari doonaan magaaladda Kismaayo.

Ciidamada Amisom ee Kenya ka socda kuna sugan Kismaayo iyo saraakiisha kale ee Soomalida, ayaa lagu war geliyay inay u diyaar garoobaan martigelinta Shirka gudiga farsamada iyo kan ku xigi doona ee shirweynaha doorashada madaxweynaha Jubbaland oo isna ka dhici doona garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Waxaa hadda garoonka Kismaayo ka socda dayactir xoog leh oo ay wadaan ciidanka Amisom. Sidoo kale waxaa dhisme iyo dayactir lagu billaabay dugsiga sare ee Ganaane oo lagu wado in la dejiyo ergada ka iman doonta 15-ka degmo ee sadaxda gobol ee wax dooran doonta, oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidoo kale warar ku dhow dhow urur goboleedka IGAD ayaa waxay sheegayaan in la qorsheeyey dhamaystirka maamul goboleedka Jubbaland inuusan dhaafin Bisha December ee sanadkan 2012.

Waxaa jira culays beesha caalamka ka imanaya oo sheegaya in si deg deg loo soo afjaro shirka gudiga farsamada ee Nairobi ka socda, kadibna shirweynaha loo raro magaalada Kismaayo. oo hada lagu wado inuu ka qabsoomo shirweynaha iyo doorashada maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale jira shirar hoose oo ka socda gudaha Jubooyinka loogana baaraan degayo qaabka loo dhamaystiri lahaa howlaha iyo tasiilaadka shirweynaha Jubbaland oo ka dhici doona garoonka diyaaradaha ee Kismaayo sida aan ka xiganay illo wargaleen oo ku dhaw dhaw saraakiisha kooxda Raaskambooni.