IGAD oo wafti kale u direysa Xamar, kadib wada hadallo bur buray.

Wafti heer sare ah oo ka socda urur goboleedka IGAD, ayaa lagu wadaa inay si deg deg ah u gaaraan magaalada Muqdisho, ayaga oo dowladda Somalia kala hadli doono arrinta maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, kadib wada hadallo ku bur buray magaalada Muqdisho shalay.

Tallaabada IGAD ayaa timid kadib markii xubno ka socda guddiga farsamaha ee shirka ka socda Nairobi oo Muqdisho kula kulmay madaxda Dowladda ay is afagarn waayeen, kuna kala boodeen shirkoodii.

Wada hadallada oo maalmihii u dambeeyay oo dhan ka socday Muqdisho, oo u dhowaa in la iska afgarto, ayaa saacadihii ugu dambeeyay lagu kala tagay, kadib markii dalab ka yimid Dowladda ay diideen xubnaha guddiga farsamada.

Dowladda ayaa la sheegay inay aqbashay in dadka deegaanka ay dhistaan maamul u gaar ah, dowladdana ay ku gacan siiso, hase yeeshee waxaa la isku afgaran waayay qaabka dhismaha maamulka iyo codsi kale oo dowladda ka yimid oo ahaa in xubno dheeri ah lagu daro guddiga farsamada.

Dowladda ayaa dooneysa in maamulka lagu saleeyo hab beeleed, si loo qanciyo dhammaan beelaha deegaanka, taasi oo ka hor tagi karta in beelaha qaar ay gadoodaan, ayna dagaal kala horyimaadaan maamulka, hase yeeshee guddiga farsamada ayaa ku dooday in maamulka laga dhigi doono mid aan beel ku saleysan, balse deegaan lagu dhisi doono.

Dowladda waxa ay u sheegtay guddiga farsamada in ay jiraan beelo dhowr ah oo usoo gudbiyay cabasho ah inaanay cidna uga qeyb galeyn shirka Naiorbi, sidaa darteedna ay u baahan tahay xaqiijin ah inaan cidina looga tagin maamulka, taasi oo guddiga farsamada ay keeni waayeen.

Sidoo kale dowladda ayaa u sheegtay gudiga farsamada inay dooneyso in xubno xildhibaano ah lagu ballaariyo guddiga farsamada, si ay u matalaan dadka ay kasoo jeedaan ee dega gobolada Jubbooyinka.

Xubnahaasi oo ahaa illaa 8 kana soo jeeday beelaha Sade 1, Harti 1, Absame 2, Sheekhaal 1, Gaaljecel 1, Jareer-weyne 1 iyo Raxanweyn 1, ayaa guddiga farsamada ku gacan seereen, sidaas ayaana wada hadallada loogu kala booday.

Guddiga ka socda IGAD ayaa lagu wadaa inay dhowaan garaan Muqdisho, si ay dowladda ugala hadlaan caqabadahan cusub ee soo baxay.