Iimaamkii MASJID QUBA: Waxaan hadda ogaaday inay maxkamada iiga horreeyeen

Amesterdam (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhexeeyay Guddiga masjid Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay ayaa gaaray halkii ugu sareeysay kaddib markii iyada oo laga dhur-sugayo in bisha dambe [Febraayo] ay Maxkamadu dhageysato doodaha ay qabaan 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay oo kala ah; Guddoomiyaha Guddiga masjidka, ahaana iimaamkii masjidka Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah &  Shiikh Ibraahim [Abuu-khadiija] & Guuleed Wayrax oo dhinaca kale ah ayaa mar qura laga war-helay warqad Maxkamadeed oo soo gaartay Shiikh Suldaan Gasle, oo qudhiisa lagu eedeynayay inuu masjidka Maxkamad dacwad ka geeyay. 

Shiikh Suldaan, oo masjidka dibad-joog ka ahaa wixii ka dambeeyay 14kii September 2021 xilligaasoo ciidamo boolis ah oo masjidka yimid ay ka dalbadeen inuu isaga baxo, ayaa xalay kelmad muxaadaro ah jeediyay, isaga oo ka warbixiyay arrimo dhowr ah. 

Hadalka Shiikhu, wuxuu ku soo beegmaya iyada oo baryahan aad loo hadal hayay in Shiikh Suldaan ay warqad Maxkamadeed u soo dhacday, loogana yeeray Maxkamadda. 

Shiikhu, wuxuu mar kale wax kama jiraan ku tilmaamay in uu dacwad ka geeyey masjidka, isla markaana magdhow uu dalbaday. 

“Warkii ay soo saareen ee u dambeeyay waxay ku sheegeen in Shiikhu uu masjidka dacwad ka geeyay Maxkamad. Anigu masjidka Maxkamad kama dacweyn ee 2daas nin [Guuleed & Shiikh Ibraahim] ayaa dacweeyay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, waxaa uu intaasi raaciyay in ay la yaab ku noqotay in Maxkamadii isaga loo nisbeeynayay inuu masjidka geeyay inuu ogaaday in lagaga horeeyay. 

“Waxaa, arrintii oo dhan sii haleeyay oo dadku aysan la socon oo aan hadda ogaaday in ay iyagu Maxkamadaba iiga horreeyeen, oo hadda naloo soo diray, anigana waxay i leeyihiin Maxkamad buu masjidka geeyay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, wuxuuna intaasi raaciyay in ay jiraan dad arrinta dhexda kaga soo dhacay oo iyaga oo aan wax kala hubsan dhinac gaar ah la saftay. 

Shiikh Suldaan Gasle, waxaa kale oo uu sheegay in Garyaqaankiisa, lala soo xiriiray, lagana dalbaday in Shiikha uu ka dhaadhiciyo inuu arrinta masjidka isaga haro, lacag na qaato. 

“Waxaa wax cusub ah in Garyaqaankoodii  u tegay Garyaqaankeygii, kuna yiri waddaadku meesha ha ka baxo lacag baan siineynaa, taas iyaga ayaa wata, anigu mid aan wato ma ahan” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, wuxuuna intaasi sii raaciyay. 

“Waxaa qalad ah, qof aan mustawiisa ogahay xittaa daruusta aan u dhigi jiray aan soo xaadiri jirin in rag iska riix darteed inuu gefafkaa u sameeyo.” 

Dhinaca kale, khilaafkan oo u dhexeeyay saddexda xubnood ee magacyadooda aan soo xusnay, waxaa ku soo baxay bishii Abril 2021 cuqaal Soomaaliyeed oo la baxay guddigii dhexdhexaadinta odayaasha Tilburg & Eindhoven; iyada oo guddigaasi ay  2da dhinac u qoor-dhiibteen. 

Guddiga ayaa howshiisa dhexdhexaadinta ah soo waday muddo 4 billood ah, waxaanna kulan ay la yeesheen bishii September  Jaaliyada Soomaalida ah shir ay u qabteen   ka shaaciyeen in Shiikha laga saxan yahay, ayna tahay in isagu tanaasulo, inkastoo dhowr cisho ka hor inta aaney la kulmin jaaliyada in Shiikhu shaaciyay in guddigaasi uu kalsoonidii kala laabtay markii shaqsiyaad guddiga ka tirsan ay ka baxeen hannaankii dhex-dhexaadnimada, ayna isaga u hanjabeen.  

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay khilaafka masjidka xalkiisu wuxuu u muuqday mid mugdi sii galaya, iyada oo guddiyo kala duwan oo arrintaasi ku soo baxay ay wax xal ah ka keeni waayeen. 

Dacwadaasi ka soo billaabatay Shiikh & ardaydiisii, ayna ka quusteen in wax xal ah ay ka gaaraan hormuudka & waxgaradka bulshada Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan ayaa hadda xal ka gaaristeedu waxa ay hortaalaa maxkamadda waddanka Nederlands, waxaanna laga sugayaa in maxkamaddu go’aan ka gaarto. 

Xeel-dheerayaal dhinaca sharciga ah oo ka hadlay waxa ay noqon karto natiijada dacwadaasi waxa ay i sheegeen in xukunka maxkamaddu noqon karo 3 midkood. 

1- In meelmar ay noqoto doodda ragga masjidka ku haray, Shiikhana laga guuleysto. 

2- In ragga masjidka ku haray lagu qasbo in ay wada shaqeeyaan iyaga & Shiikha, lana yiraa, Shiikh Suldaan ha lagu soo celiyo xilkiisa shuruud la’aan. 

3- In 2da dhinac laga wareejiyo mas’uuliyada masjidka, laguna wareejiyo dhinac 3aad, oo noqon kara dad aan muslim aheyn in ay masjidka maamulaan. 

 W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan