Iker Casillas: Ronaldo ayaan ka dooran lahaa Lionel Messi.

Katbaka kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa sheegay inuu ninka ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo ka door bidi lahaa weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Mess, hadii uu sameynaayo dooqiisa u dhexeeya labada ciyaaryahan.

kooxda Jose Mourinho ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Barca kulankii El Clasico wuxuuna tababaraha reer Portugal ku sifeeyey labada ciyaaryahan inay ka yimaadeen caalam kale, laakiin taas bedelkeeda Casillas ayaa ka dooran lahaa kabtanka xulka Portugal xidiga dalka Argentina.

“Cristiano ayaan ka door bidi lahaa Messi sababtoo ah waa ciyaaryahan sano walba nasiiya wax weyn waana ciyaaryahan aan maalin walba isla joogno,” ayuu Casillas u sheegay Cadena Cope.

“Waan garanayaa, waan garanayaa wuxuu yahay, waan garanayaa sida uu tababarka u qaato, waan garanayaa wax uu doonayo, waana garanayaan sidoo kale meesha uu doonayo.”