Ilhaan Cumar oo $150,000 siisay ninka caddaanka ah ‘ee ay xiriirka la leedahay’

Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xiriirka kala dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post.

Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha.

Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan.

Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xiriir jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar.

Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xiriirka kala dhaxeeya dartiis.

Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baarto ayaa sheegtay inaysan sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baaro.

Ilhaan iyo Mynett ayaa horey u beeniyey inay xiriir leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan.

Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, ayada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November.

caasimada@line.com