Ilhaan Cumar oo duco cajiib ah ugu jawaabtay Trump

Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay markale sida ay culeyska ugu noqotay hadalada xildhibaanada laga soo doortay Minnesota Ilhan Omar,isagoo qudbad ka jeediyay magaalada Las Vegas.

Trump oo la hadlayay dadka Yuhuuda ee isbahaysiga la leh xisbiga Jamhuuriga ayaa qudbad muddo saacad ah qaadatay ka jeediyay waxa uu ku tilmaamay xisbiga Dimuqraadiga inuu yahay xisbi neceb dadka Yuhuuda ah.

Waxa uu qudbadiisa ku sheegay Trump hadalo jees jees ah oo uu si gaar ah ugu durayay Ilhan Cumar oo xubin ka ah Congresska Maraykanka kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanada waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ilhan Cumar,Oh,Waan iloobay ma jecla iyada Israel, ma jeceshahay Israel Ilhan? fadlan waan ka cudurdaaranayaa.”ayuu yiri Trump.

Balse Ilhaan Cumar ayaa jawaab lala yaabay isoo dirtay Madaxweynaha Mareykanka Trump oo ah nin ay aad isku hayaan.

Ilhaan Cumar oo farriinta uu Trump boggiisa Tweetarka ku qoray ka jawaabeysa ayaa qortay hal jumlad, iyada oo weliba carabi ku sii micneysay.

taasoo macnadeedu yahay  “Allahayoow, dadkeyga u dambi dhaaf aqoon la’aantooda.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha Maraykanka iyo Jawaabta Ilhaan  ayaa imanaya maalin kadib markii la xirey nin magaciisa lagu sheegay Patrick W. Carlineo oo ugu hanjabay Ilhan Cumar inuu dilayo isagoo ku eedeeyay inay tahay argagaxiso.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa intii uu xukunka dalkiisa hayay waxa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu ku taageerayo Israel,isagoo u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimada Israel sidoo kalana u aqoonsaday Buuraha Golan dhul ay Yuhuudu leedahay.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
caasimada@live.com