Imaamka beelaha H/Gidir oo waftigii ay dirtay DF Somalia weerar ku qaaday

Muqdisho(Caasimada Online)- Imaamka beesha Habargidir Imaan Cabdulaahi Khaliif Rooble ayaa si kulul u dhaliilay wafdiga dowlada Soomaaliya ay u dirtay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Imaamka ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Maxamed Sheikh Xasan Xaamud ay soo jeediyeen qorshe ah in maleeshiyada Beesha Habargidir laga saaro deegaanadii ay qabsadeen taasina aysan qaadaneynin.

Wuxuu sheegay in taasi ay tahay mid aysan ku soconeynin waxgaradka Habargidir, wuxuuna qiray inay horseedeyso gumaad kale oo ay la kulmaan shacabka beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Mumin qof labo jeer lagama qaniino, hadda ka hor ayaa nala dhahay maleeshiyadiina celiya markaas ayaa nala gumaaday oo tuulooyin la gubay, mana ka yeelayno wafdiga dowlada ka socda”sidaasi ayu yiri Imaamka.

Dhanka kale gudoomiyaha degmada Marko oo kasoo jeeda beesha Biimaal ee dagaalka kula jira dhinaca kale ayaa sheegay in marnaba uusan la kulmeynin wafdiga dowlada ka socda.

“Mala kulmayo wafdiga dowlada maxaa yeelay waxaa la barakiciyay dadkii aan matalayay, xafiiskeygii ayaa xoog lagu qabsaday, marnaba ma yeelaayi inaan la kulmo”sidaasi ayuu dhankiisa saxaafada u sheegay gudoomiyaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisada ka taagan degmada Marko iyo deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa u muuqata mid ay adagtahay in xal buuxa laga gaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com