Imaamkii Masjidka Xaramka oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah + Video

Jeddah (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukumay Imaamkii hore ee Masjidka Xaramka Sheekh Saalax Al-Talib, sida ay sheegtay koox u doodda xuquuqda aadanaha.

Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday go’aan ay horey u gaartay Maxkamadda Dambiyada Gaarka ah, taasi oo wax dambi ah ku waysay Sheekh Saalax, waxayna taa beddelkeeda siisay xukun xabsi ah, sida ay sheegtay kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Prisoners of Conscience.

Sheekh Saalax ayaa waxaa la xiray bishii August 2018. Wax sharaxaad oo rasmi ah lagama bixin xabsiga Sheekh oo 48 jir ah.

Hase yeeshee kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xarigiisu yimid kadib markii uu jeediyey khudbad uu ku sheegay in Muslimiinta uu waajib ka saaran yahay inay ka hadlaan xumaanta ka dhex jirta bulshada.

Sacuudi Carabiya ayaa waxay caan ku tahay inay si joogto ah u xirto dadka u dhaqaaqa bulshada, suxufiyiinta iyo culimada ayada oo sabab cad aan la sheegin.

Tobaneeyo wadaad ayaa la xiray tan iyo 2017, oo ay ku jiraan qaar ku baaqay dib u heshiisiin laga dhex sameeyo dalalka Khaliijka, kadib markii Sacuudiga ay go’doomiyeen Qatar.

In badan oo ka mid ah culimadaas ayaa weli xabsi ku jira, inkasta oo xiriirka Qatar iyo Sacuudiga uu soo wanaagsanaaday.

Toddobaadkii tegay, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa 34 sano oo xabsi ah ku xukumay gabar diyaarineysay shahaadada PhD oo lagu magacaabo Salma Al-Shehab sababo la xiriira inay twitter soo dhigtay qoraal ka dhan ah dowladda, taasi oo dhalisay caro caalami ah.

Hoos ka daawo muuqaalka Sheekh Saalax iyo mid ka mid ah salaadihii uu dujiyey ee Xaramka.