Imaaraadka iyo Ethiopia oo galay heshiis caqabad ku noqon doona JABUUTI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa qalinka ku duugay heshiis dhigaaya in dalkiisa xarun looga dhigo dhuun shidaal oo la doonaayo in laga soo talaalo Dekadda Casab ee dalka Eritrea.

Heshiiska oo ka dhacay magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu kala saxiixday in dhuunta shidaalka laga soo talaalo Dekadda Casab xarun looga dhigo Ethiopia.

Heshiiskan ayaa waxaa dhanka Imaaraadka carabta u saxiixay Wasiiru-dowlaha iskaashiga Caalamiga Imaaraadka Reem Al Hashimy oo sheegtay inay muhiim tahay in xili hore la dhaqan galiyo Heshiiska.

Madaxa shaqaalaha Xafiiska Ra’isul wasaare Abiy Axmed Mr Fitsum Arega oo Heshiiska kadib u waramay Wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in heshiiska labada dal ay kala saxiixeen Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo Reem Al Hashimy oo Wasiiru dowle.

Mr Fitsum Arega, waxa uu tilmaamay in wada xaajoodka labada dal uu yahay mid ku xeernaa dhinacyada Maalgashiga beeraha, Dhismooyinka, Shidaalka, Warshadaha, Dhuumanka shidaalka iyo Goobaha loo dalxiistago.

Waxa uu sidoo kale, Mr Fitsum Arega sheegay in heshiiska uu qeyb ka ahaa in wakhti hore lagu dhaqaaqo Heshiiska iyo howlgalinta dhuunta shidaal.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaa Saldhig Militery ku leh Dekadda Casab oo noqon doonta halka laga soo talaali doono shidaalka.

Qorshaha Imaaraadka ayaa ah in ganacsiga dhanka shidaalka ay soo mariso dalka Eritrea halka ay markii hore kasoo marin jirtay Dekadda Jabuuti.

Heshiiska Imaaraadka iyo Ethiopia ee lagu talaalayo dhuunta shidaal ayaa caqabad ku noqon doonta dowlada Jabuuti oo xiriir aad u xun uu iminka kala dhexeeyo Eriterea iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee Dowladaha Imaaraadka carabta iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay in si dhaqsi ah lagu howlgaliyo Heshiisyada muhiimka ah ee lagu dardar galinaayo ganacsiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com