Dagaaladii sokeeye ee Dalka Soomaaliye ka curtay Bilowgii Sagaashamaadkii, waxa ay sababeen in ay bur buraan inta Badan Adeegyadii Bulshada u baahneed iyo Kabaayashii Dhaqaalaha, Amniga, Caafimaadka, Fanka iyo Adeegyadii Bulshada iyo wixii la Halmaalaba.
Balse Ciyaaraha gaar ahaan K/Cagta ayaad moodaa in ay wax xoogaa Muuqatay oo ay sameesay Dadaal badan, Xiriirka K/Cagta Soomaaliya oo Kaashanaya Kan Olympikada ee GOS ayaa ku guuleestay in ay Calanka Soomaaliya geeyaan Daafaha Caalamka sidoo kale waxa ay ku Guuleesteen in ay Tababare iyo Aqoonsi Caalami ah u helaan Tiro Garsoorayaal K/Cagta ah, kuwaasi oo Maanta ku jira Liiska Garsoorayaasha Caalamiga ee FIFA.
Sagaal Garsoore oo Isugu jira 3 Garsoore oo ciyaaraha dhex dhexaadiya iyo 6 Kalkaaliye (Calanwade) ayaa Waxa ay ka Diiwaan Gashan yihiin Xiriirka K/Cagta ee Aduunka ee Marka Magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (FIFA).
Garsooryaasha Soomaalida, ayaa Haatan waxa ay dhex dhexaadiyaan ama ay qabtaan Ciyaaro Caalami ah Gaar ahaan Kuwa Qaarada Afrika.
Hoos ka aqriso Magacyada Garsoorayaasha Soomaaliya ee Caalamiga ah ee u Diiwaangashan Xiriirka FIFA.
Garsoore | Sanadka Dhalashada | Sanadka uu Garsoore Caalami Noqday |
---|---|---|
MOHAMED ABDULLE Nur | 1976 | 2010 |
OLAD ARAB Bashir | 1974 | 2004 |
WIISH Hagi Yabarow | 1978 | 2011 |
Calanwade | Sanadka Dhalashada | Sanadka uu Garsoore Caalami Noqday |
---|---|---|
ABDI OMAR Abdirahman | 1983 | 2010 |
HASSAN FIDO Mohamed | 1978 | 2004 |
NUR AHMED Aweis | 1982 | 2011 |
OMAR ABUKAR Salah | 1975 | 2001 |
SHIRE HAYDAR Bashir | 1969 | 1998 |
YUSUF Mukhtar Moallim | 1983 | 2012 |
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Switzerland