Imisa wasaaradood ayuu qaadi karaa dalka (Magacyada kuwa muhiimka ah)

Waxaa maalmahan la hadal hayaa isku shaandheyn lagu sameyn doono Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’sul wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed.Isku shaandheyntan ayaanan la ogeyn waxa keenay waqtigan iyo ujeedada laga leeyahayba maadaama ay Xukuumadduba dhisan tahay muddo dhowr bilood ah.

Waxa ay rabtama ha noqotee, Waxa aan aamin sanahay in loo baahan yahay isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada, Maxaa yeelay, Waxaa ka muuqda dhaliilo badan oo ay ugu horeyso xagga tirada iyo tayadaba tusaale ahaan, Xukumadda hadda jirta waxa ay ka kooban tahay 25 Wasaaradood,Tirada Wasaaradahaan ayaa ah runtii mid aad u badan marka aad fiiriso xaaladda dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay.

Hadaba Anigoo gudanayo waajib qaran, Islamarkaana u naxayo dhibaatada ay ku jirto Umadda Soomaaliyeed dal iyo dibadba, Waxa aan isku dayi doonaa inta aan ku guda jiro qormadan inaan ka jawaabo labo su’aal oo muhiim ah, Islamarkaana xiriirna la leh cinwaanka qormadan.Waxa ayna kala yihiin labadan su’aalood :-

1-Imisaa wasaaradood ayuu qaadi karaa dalka ? Wasiirase cankee baa loo baahan yahay waqti xaadirkan ?

Hadaan ku hormaro su’aasha koowaad Anigoo ku xisaabtamayo awoodda dhaqaale ee dalka, Sidoo kalena maanka ku hayo shaqada adag ee hortaallo Dowladda, Waxa aan qabaa in loo baahan yahay 18 wasaaradood oo si fiican u dhisan.Tirada Wasaaradaha aan sheegnay, ayaa ah runtii tiro dhexdhexaad, marka aad u fiiriso labadii Xukumadood ee u danbeysay, tusaale ahaan Xukuumadda hadda jirta, Waxa ay ka kooban tahay 25 Wasaaradood halka Xukuumaddii Saacidna ay ahayd 10 Wasaaradood oo kaliya.

Hababkii loo dhisay Xukuumadihii u danbeeyey ee dalka soo mara gaar ahaan burburkii ka dib, Ayaa keenaay in la qaban waayo shaqooyin badan oo loo baahnaa in la qabto, Si looga baxo dhibaatadii lagu jiray, tusaale ahaan Xukuumaddii Saacid, Waxaa dhacday in hal wasiir uu isku hayo ilaa 4 Wasaaradood,Taasoo runtii ahayd arin aan maqcuul ahayn, Waayo hal wasiir kama wada shaqeyn karo 4 Wasaaradood waana sababta keentay in la rido Xukuumaddaasi.

Ammaa Xukuumadda hadda jirta ee uu madaxda ka yahay Ra’isul wasaare Cabdi Wali Sheekh, Wax ay Iyadana ka kooban tahay 25 Wasaaradood.Wasaarad kastana Waxa ay leedahay Wasiir iyo Wasiir ku-xigeen,Waxa ayna noqonoyaan tirada Goloha Wasiirada marka la isku geeyo ilaa 50 qof, taasoo runtii ah tiro aad u badan,Islamarkaana culeys dhaqaale ku ah dalka.

Hadaba Anagoo ka faa’iideysaneyno khaladaadkii dhacay iyo waliba asbaabihii keenay waxqabad la’aanta, Waxa aan qabaa markan in la dhiso gole wasiiro oo macquul ah,Kuwaas oo leh tiradii iyo tayadii loo baahnaa, Si loo qabto shaqdii la rabay ka hor 2016.Dhismaha Wasaaradaha ayaa la rabaa in ay noqdaan kuwa ka tarjumi kara baahida markaasi jirto,islamarkaana la jaanqaadi kara waqtiga loo jooga,Waxaana halkan ku soo bandhigayaa liis ka kooban 18 wasaaradood Anigoo u soo kala hormarinayo sida ay u kala muhiimsan yihiin:-

1- Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

2-Wasaaradda Gaashaandhigga

3-Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga

4-Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

6-Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare

7-Wasaaradda Dastuurka,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

8-Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta

9-Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska

10-Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta

11-Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

12-Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

13-Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda

14-Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta

15-Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo Dhulka

16-Wasaaradda Howlaha Guud,Guryeynta iyo Dib-u-dhiska

17-Wasaaradda Arimaha Bulshada,Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha

18-Wasaaradda Deegaanka,Dhirta iyo Ka hortagga Masiibooyinka

Tirada Wasaaradahan ayaa ah mid aan badneyn, Islamarkaana aan aad u yareyn,Waxaana rajaynayaa hadii la qaato qaab-dhismeedkan in ay wax badan qabsoomi doonaan. Maxaa yeelay gole wasiiro oo badan, Waxa ay keenayaan culueys dhaqaale halka gole wasiiro oo yarna ay keenayaan in la qaban waayo shaqooyin badan oo la rabay in la qabto,Waana sababihii keenay waxqabad la’aanta ku habsatay Xukuumadihii dalka soo maray gaar ahaan kuwii ku-meelgaarka.

Maadaama uu waqti badan ku dhumay dhismaha Wasaaradaha, Markastana la dhiso wasaarado cusub sida aan soo aragnay 10 sano ee la soo dhaafay,Waxaan qabaa in markan loo baahan yahay in wasaaradaha lagu saleeyo nambar go’aan oo la isla ogol yahay, Si aan mar danbe loogu mashquulin dhismo wasaaradeed iyo magac-bixin toona.

Hadaan u soo laabto su’aashii labaad ee ahayd wasiiro caynkee baa loo baahan yahay markan,Runtii waan haysanaa waayo aragnimo badan oo aan wax ku dhisi karno,Maxaa yeelay 10 sano ee la soo dhaafay waxaa la magacaabayey wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno,Kuwaas oo aan u qalmin in ay Umadda soo hor-istaagaan iskaba daaye in ay hogaamiyaane, tusaale ahaan sidee wax looga sugaa qof aan karti iyo aqoon lahayn Islamarkaana aan daacad u ahayn dalka?!

Maadaama laga rabo Wasiirka in uu ka soo dhalaalo shaqadiisa,Islamarkaana la doonayo in u u wax badan ku soo kordhiyo dadka iyo dalkaba Waa in uu noqdaa qof aqoon u leh Wasaaradda loo dhiibayo, Islamarkaana leh kartidii uu ku hogaamin lahaa Wasaaraddaasi, Si loo gaari halkii la tiigsanayey tusaale ahaan, Waxa aad arkaysaa mararka qaar shaqsi loo magacaabayo wasaarad uusan wax fikrad ahba ka haysan haddii uu ka haystana uusan lahayn kartidii iyo awooddii uu wax ku qaban lahaa!

Waxaa kaaga sii daran, Waxaad arkaysaa mararka qaar shaqsiyaad loo magacaabayo xilil muhiim ah,Kuwaas oo la ogyahay in ay u shaqeeyaan dalal cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed.Hadaba sidee loogu aamini karaa masuuliyad iyo sir Umadeed shaqsiyaad aan daacad ahayn, Islamarkaana hoos kala xiriiro cadowyadii Shalay dumiyey Dowladdii xoogga badneyd!!

Waxaa Iyadana wax lala yaabo ah, in talo Umadeed lagu aamino Shaqsiyaad ku caasiyey Rabiggii abuuray,Islamarkaana hareermaray dhammaan waxyaabihii laga reebay sida isticmaalka Mukhaadaraadka iyo Maandooriyaasha kala duwan oo uu ugu horeeyo Jaadka.Waa caqli-xumo in la soo dhaweyso nin Ilkihiisaba daryeeli waayey,Sow Soomaali maysan oran (Gacantii nadiif ah ba wax daahirisa) .

Hadaba si looga baxo dhibaatada dabadheeraatay, Islamarkaana looga faa’iideysto waqtiga u haray Dowladdan uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, Waxaan soo jeedinayaa in Sedex Shardi lagu xiro qof kasta oo qabanayo xil Qaran.Waxa ayna kala yihiin Sedexdan Shardi:-

1-in uu daacad u yahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed(not jaajuus walaa qabyaaladiiste)
2-In uu leeyahay karti iyo awood uu wax ku qaban karo
3-In uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan

Maadaama ay wali Soomalidu isticmaasho Nidaamka xaaraanta ah ee yaqaano 4.5-ka, Waxaan soo jeedinayaa in loo qeybiyo 18-kan Wasaaradood sidatan:- Sedex Wasaaradood oo Daarood ah,Sedex Hawiye ah,Afar Digil iyo Mirifle ah,Afar Beesha Direed ah iyo Afar Beesha Shanaad ah.

Gaba gabadii, Waxaan soo jeedinayaa in xilalka muhiimka ah ee Dowladda loo dhiibo Shaqsiyaadka ku caanbaxay Soomaalinimada iyo Wanaaagga,Islamarkaana ay la weyn tahay Midnimada iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed sida Maryan Qaasim oo kale.Waxaana ugu danbey Ilaahay weydiisanayaa in uu naga dulqaado musiibadan nagu habsatay.

W/Q:Al-Mufakir Abdullahi Ibarahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid