Injineer Turkish ah oo lagu dilay qarax magaalada MUQDISHO ka dhacay..!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faafaahin dheeraad ah ka soo baxaysaa qarax khasaare gaystay oo duhur nimadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan lagana maqlay inta badan degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag ayaa dhaawac ka soo gaaray Injineerka u dhashay dalka Turki iyo wiil Soomaali ah oo la sheegay in uu la shaqaynayay Injineerka Turkiga ah.

Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya wali ka hadlin qaraxa ka dhacay Muqdisho oo uu ku geeriyooday Injineerka Turkiga ah iyo hadii ay jiraan dad loo soo qabtay dhacdadaan.

Waa Qaraxii ugu horeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay bilaabay  bisha Barakeysan ee Ramadaan.