Inter Milan oo Guushii 4aad oo isku xigta Catania ka gaartay

Inter Milan ayaa 3 dhicbood oo Nadiif ah waxa ay ka heshay Kooxda Rolando Maran ee  Catania oo ka mid ah Naadiyada ka ciyaaraha  Horyaalka Seria-da  dalka Talyaaniga.

Ciyaartii ka dhacday Garoonka Guzeppe Mezze ee Magaalada Milaano waxaa ku Gacan sareysay Kooxda Internazionale oo marti loo ahaa.

inkastoo Naadiga Catania ay  abuuray Fursado badan Dahabi ah balse uma suura gelin ay Gool ka dhaliyaan shabaqa kooxda Inter .

Guusha ay Maanta gaartay kooxda Inter Milan ayaa waxa uu bilow fiican u yahay Macalinka Da’da yar ee Naadigaasi, waana Guushii 4aad oo isku xigta oo ay Gaaraan.

Goolkii 1aad ee Inter waxa uu dhashy qeybtii hore ee Ciyaarta waxeyna ugu Mahad celinysaa xidigooda Antonia Cassano sidoo kale  Rodrigo Palacio oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa hurdada u diray naadiga ka dhisan Garoonka Stadio Angelo Massimino, ee Gobolka Sicilia markii uu isna dhaliyay Goolkii 2aad ee Inter ay ku Badisay .

Dhanka kale ciyaartaan ayaa waxa ay Laheed xiiso Gooniya markii loo eego kulamada kale maxaa yeelay waxaa Garoonka ku so bilowday 13 ciyaaryahan oo Argentine ah oo u ciyaara labada kooxood.

si Kastaba Inter ayaa waxa ay 18 wadagaaan haatan kooxda kaalinta seddexaad ee Lazio kuwaasoo xalay ka badiyay AC Milan.
Cabdiqani Cali Dalmar
riyaale10@hotmail.com
Caasimada-Switzerland