Inter oo ka talaabsatay kooxda ay isku magaalda yihiin ee AC Milan.

Derby De Milanello caawa ma uusan aheyn mid xamaasad yar ka dib iyadoo maanka lagu haayey in awooda labada koox ee liidataahi ay saameyso kulankaan, balse waa la isku xiiqay iyadoo Inter ay qaadatay guul ay u jilba muruxday.

Goolka keliya ee Inter Milan waxaa daqiiqadii sedaxaad shabaqa ku hubsaday kubad madax ah daafacooda l Walter Adrian Samuel, ka dib markii uu ka faa’iideystay karoos uu soo qaaday Esteban Matias Cambiasso, 1-0 kaas ayaana lagu kala nastay.

Milan ayaa isku dayday inay ciyaarta wax ka bedesho ka dib iyadoo fursad u heleysay todan ciyaaryahan oo kasoo horjeeda ka dib markii daafaca midig ee koox Inter Yuto Nagatomo casaan loo taagay daqiiqadii 48aad, balse Milan kama aysan faa’iideysan iyadoo ku dhibaatooneysay dhameystir la’aan.

Si kastba Inter ayaa gaartay guusheeda jilba muruxa waxayna hada kaalinta 4aad kasoo gashay kala horeyna Serie A, iyadoona leh 15 dhibcood.

Dhanka kale Napoli ayaa hugaanka la qabatay Juventus ka dib markii ay 2-1 isaga reebtay kooxda Udinese, waxaana goolasha u kala dhaliyey ’30 Hamsik iyo ’45 Pandev. Napoli ayaa haatan leh 19 dhibcood, laakiin waxaa hugaanka looga hayaa farqiga goolasha.