Is afgarad dhexmaray madaxweyne Xasan iyo qaar ka mid ah xilibaanada ku kacsan Xukuumada RW Saacid‏.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa shalay gelinkii danbe waxa uu lakulmay xilibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu kala hadlay sidii xukuumada cusub lo taageeri lahaa islamarkaasna codka kalsoonida loo siin lahaa.

Xilibaanada madaxweynaha uu la kulmay waxay ahaayeen, xilibaano maalmihii danbe muran kaqabay qaabka loo soo dhisay xukuumada Cusub, waxaa jirta in is afgrad muhiim ah uu dhexmaray madaxweynaha iyo xilibaanadaas waday mooshinka kadhanka ah xukuumada RW Saacid.

Qaar katirsan mudanayaashaas oo xalay warbaahinta lahadlay ayaa waxay qireen inuu jiro wadahadal iyo is afgarad dhexmaray iyaga iyo madaxweynaha islamarkaasna ay sii socon doonaan wadahadaladaas, xilibaanadan ayaa sheegay in gudi ay iska xuleen ay shalay galab lakulmeen madaxweynaha.

Xilibaanadan ayaa waxay sheegeen in muhiimada koowaad ay tahay in laga wada hadlo qaab dhismeedka xukuumada iyagoona ka dhawaajiyay in labada dhinac waa madaxweynaha iyo gudiga xilibaanada in is afgaradkooda meel wanaagsan uu marayo.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay in qaar kamid ah xilibaanada ay dood iyo muran kakeeneen qaabka loo soo xulay xukuumada Cusub waxayna xilibaanadan hada wadaan mooshin kadhan ah xukuumada RW Saacid.

Illaa hadda, raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon iyo xukuumadiisa, mudada usbuuca banaan jooga ah ayaa dadaal adag ugu jira inay meesha ka saaraan caqabadaha waaweyn ee durba isku hor gudbay kuwaasoo ay ugu muhimsan yihiin labo waxyaabood oo muuqda waqtigan;-

Waxaa jirta mucaaradad ka imaaneysa beelaha aan helin wasiirada (gaar ahaan kuwa ka dhex muuqda baarlamaanka) ee saameyntan ku yeelatay xildhibaanada codka laga fili lahaa.

Arintan waa tan ugu weyn ee hadda hurdada u diiday RW Saacid iyo tobankiisa wasiir oo habeen kasta qaabilaad iyo casho usameeynaya xilibaano odayaal, siyaasiyiin iyo cid kasta oo saameyn yeelan karta si caqabadan ka imaaneysa qabiilada looga gudbo.