Is-afgaradka wadashaqaynta W/Cadaaladda KGS iyo barnaamijka ballaarinta adeegga cadaaladda

War Saxaafadeed

Xafladda daahfurka is-afgarad wadashaqaynta Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda

Goobta: Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya

Waqtiga: Axad 20ka Sebteembar 2020

Maanta waxaa is-afgarad wadashaqayneed gaadhay Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda. Iyadoo la tixraacayo is-afgaradka la kala saxeexday, Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda ee Soomaliya wuxuu wadda shaqayn dhaw la yeelan doonaa Wasaaradda Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya si kor loogu qaado loona balaadhiyo adeegyada cadaalada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Iyadoo loo marayo isfahankan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu wadda shaqeyn la yeelanayaa Wasaaradda Caddaaladda si kor loogu qaado tayada iyo helista kaalmada caddaaladda ee dadka Soomaaliyeed. Gaar ahaan, Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxu ka taageeri doonaa tayaynta Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

is-afgaradkan waxaa lagu saxeexay, xaflad uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Xassan, iyo Madaxa Barnaamijka Balaadhinta Helitaanka Cadaaladda, Mudane Anton Pestana.

“Wasaaradda Caddaaladda waxay mas’uul ka tahay adeegyada cadaaladda ee Dowlad Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Waxaan u aragnaa iskaashiga aan la leenahay Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda inuu yahay xidhiidh istiraatiiji ah oo muhiim u ah Wasaaradda si ay u gaarto waajibaadkeeda ah hagaajinta adeegyada caddaaladda. Waxaan ku faraxsanahay inaan saxeexnay is-afgaradkan waddashaqyaneed oo aan iskaashi la yeelanno Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda, isla markaana aan xaqiijino sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno tayaynta caddaaladda ee Soomaaliya. Waxaan sidoo kale fursaddan uga faaidaysanayaa in aan u mahad celiyo USAID, oo ah deeq bixiyaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay inay taageeraan caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya” ayuu yidhi Mudane Maxamed Xuseen Xasan, Wasiirka Caddaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu taageerayaa abuurista jawi ku haboon kor u qaadista kaalmada caddaaladda ee ilaalineysa isla markaana dhiirrigelineysa xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, waxaanu taageerayaa daneeyeyaasha caddaaladda – oo ay ku jiraan hay’adaha caddaaladda iyo bulshada rayidka. “Barnaamijka Balaadhinta Adeega Marin U Helida Cadaaladda wuxuu rajeyneyaa inuu taageero Wasaaradda Cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya si ay u gudato kaalinteeda hoggaamineed ee helitaanka caddaaladda, si loo siiyo adeegyo wax ku ool ah dhammaan muwaadiniinta. Barnaamijku waxaa kaloo uu taageeri doonaa daneeyeyaasha cadaaladda ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxa Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda, Anton Pestana.

 

Dhammaad

 

Ogaysiin Tifatirayaasha

Faahfaahinta sooyaalka Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda raadraaciisa ayaa ku lifaaqan warsaxaafadeedkan.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Hawlaha Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda iyo waxqabadkiisa waxaa kala socon kartaa baraha bulshada sida:

Twitter: @EAJProgram

Website: https://www.eajprogram.org/

Email: apestana@pactworld.org

Waydiimaha warbaahinta fadlan la xidhiidh:

Barnaamijka balaadhinta adeega Marin u helida Cadaaladda Soomaaliya

Mudane Christopher Mwangi

ckmwangi@pactworld.org

Moobayl: + 254720376376

Email: ckmwangi@pactworld.org