ISRAEL oo ku dhowaaqday weerar ka dhan ah IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxa Sirdoonka Israa’iil, David Barnea ayaa ku tilmaamay heshiiska cusub ee nukliyeerka oo Iiraan iyo quwadaha caalamka ay kala saxiixan rabaan “musiibo istiraatiji” oo halis ku ah Israel. Waxayna Tel Aviv durba bilowday isu-diyaarinta weerar milatari oo ka dhan ah Iiraan, oo ay sida ay sheegtay ay u aragtay lagama maarmaan. 

Wargeyska Times of Isreal ayaa David Barnea kasoo xigtay isaga oo sheegaya in heshiiskan uu yahay mid aad ugu xun Israa’iil – Maraykankana uu ku degdegayo waxa uu ugu yeeray “heshiis ku saleysan been abuur” isaga oo tixraacaya sheegashada Tehraan oo ah in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed. 

Wuxuu intaas ku daray in heshiisku uu u muuqdo mid lama huraan ah, marka loo fiiriyo baahida Maraykanka iyo Iiraan. Labaduba waxay doonayaan dano isku xiran. Iiraan waxay doonaysa in laga nafisiyo cuna-qabateynta dhaqaale ee la saaray. Maraykankuna wuxuu rabaa inuu kahortago in Tehran ay hesho awood ay ku dhisan karto bam nukliyeer ah. 

David Barnea ayaase aaminsan in heshiiska uu siinayo Iiraan ruqsad ay ku ururiso walxaha sameysiga nukliyeerka looga baahan yahay dhowr sano gudahood. Wuxuu sidoo kale rumeysan yahay in heshiisku siin doono Tehran balaayin dollar oo hadda laga xayiray. Taasina waxaa, sida uu yiri, ay kordhinaysaa khatarka Iiraan ay ku heyso gobolka – iyada oo adeegsanaysa wakiilladeeda. 

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in heshiisku uusan ku waajibi doonin Israa’iil, isla markaana ay u dhaqmi doonto sida ay u aragto inay ku habboon tahay inay meesha ka saarto halista kusoo fool leh, isaga oo xusay in Tel Aviv ay durba billowday diyaargarow weerar millatari oo ka dhan ah Iiraan haddii tallaabadaas loo arko lagama maarmaan.

Iiraan ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay heshay jawaabta soo-jeedinta Maraykanka oo ah in dib loogu laabto waxa loogu yeero Qorshaha Wadajirka ah ee Dhaqangelinta kaas oo Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump uu ka biya-diiday sannadkii 2018. 

Dhanka kale, Wakiilka Sare ee Midowga Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga, Josep Borrell ayaa sheegay in heshiis lala gaari karo Iiraan toddobaadkan.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa xusay in hadda ay aad uga dhow yihiin iskaashiga sidii ay ahaayeen dhowr toddobaad kahor, sababtoo ah Iran waxay qaadatay go’aan ay ku sameysay waxoogaa tanaasul ah.

Diblomaasiyiin ka kala socda Iiraan, Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Faransiiska, UK iyo Jarmalka ayaa muddo bilo ah ka wada xaajoonayay sidii Tehran ay dib uga shaqeyn lahayd daahfurnaanta heshiiska barnaamijkeeda nukliyeerka si looga qaado cuna-qabataynta dhaqaale ee la saaray.

Bishii May sannadkii 2018, Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa cuna-qabateyn dhaqaale kusoo rogay Tehraan kadib markii uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ay kala saxiixdeen sannadkii 2015-kii xilligaasi oo Barack Obama ahaa Madaxweynaha Maraykanka.