Isu ekaanshaha mashruuca Farmaajo iyo kii Trump uu ku furtay taageerayaashiisa

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump ayaa markii doorashada looga adkaaday billaabay in uu lacag malaayiin ah turufo uga aruursado taageerayaashiisii. Masaakiinta la marin habaabiyey waxaa lacagta looga aruursaday doorashada annaga ayaa ku guulaysannay waana nalaga dhacay.

Mar kale  waxaa dhacday in ay kooxda Trump malayiin ku aruursadeen in darbi laga dhisayo xuduudka Mexico, lacagtaasna  afka iska mariyeen, qaar ka mid ahna lagu maxkamadeeyey.

Luuluush in uu bixiyo miyuu diidey Madaxweyne Farmaajo?

Masaakiinta iyo wax ma garadka ayaa loo akhrinayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa looga guulaystay waxa uu diiday in uu laaluush bixiyo. Taas waa been aan raad lahayn , waxaana la hayaa caddeymo in Madaxweyne Farmaajo lacagta ugu badan ku bixiyey doorashada looga adkaaday.

1. 2017-kii Madaxweyne Farmaajo waxa uu doorashada ugu guulaystay kadib markii uu bixiyey malaayiin Dollar oo weliba inta badan sirdoon dal shisheeye bixiyey. Murashax aan lacag bixinna tartanka kama qayb gelin ha kala lacag badnaadeen.

2. Waxaa caddeyn loo hayaa in Madaxweyne Farmaajo malaayiin Dollar oo laaluush ah ku bixiyey in uu dhowr maamul goboleed madax uga dhigo dad uu wato.

3. Waxaa caddeyn loo hayaa in Madaxweyne Farmaajo malaayiin Dollar ku bixiyey soo saaridda xildhibaanno ka soo baxay maamul goboleedyo kala duwan si ay u doortaan isaga doorashadii bishii hore dhacday.

4. Hal shaqsi oo madaxtooyada ka socda  ayaa si uu kursi u soo boobo ku dhowaad  shan boqol oo ciidan ah diyaarado khaas u kiraysan ku daad gureeyey kuna bixiyey doorashadaas lacag aan u farabadan oo malaayiin gaaraysa.

5. Waxaa la og yahay oo caddeyn leh in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa bixiyeen lacag laaluush ah oo ka badan 10 Milyan oo Dollar oo la siiyey xildhibaanno ka hor doorashadii looga adkaaday. Waxaa kale oo la ogyahay in ay bixin rabeen tobonaan milyan oo kale oo farsamadii ka xumaatay.

Hadda qofna lagama yeelayo in taariikhda dib loo qoro oo masaakiinta been lagu marin habaabiyo. Madaxweyne Farmaajo tobonnaan milyan oo laaluush ah ayuu ku bixiyey doorashadii looga adkaaday, indho sarcaad iyo marin habaabin ma baddali karaan taariikhdaas qorantay.

W/Q: Ahmed A. Khayre

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.