Isbaheysiga Abiy Ahmed iyo madax goboleedyadii xulufada la ahaa Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo madaxweye Xasan Sheekh oo la doortay wax ka yar saddex bil kahor ayaa xiriirkooda ku billowday dagaal siyaasadeed dadban oo hadda u muuqda inuu bannaanka imanayo.

Abiy, oo cabsi badan qabay kadib markii saaxiibkiis Farmaajo laga saaray Villa Somalia, ayaa xaalku kusii xumaaday markii Xasan Sheekh uu tegay Qaahira, kadibna madaxweynaha dalkaas Sisi laga soo xigtay inay isku raaceen cambaareynta biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile.

Waxaase taas ka horreeyey in Abiy Ahmed uu billaabay inuu la macaamilo madax goboleedyada Soomaaliya oo intii uu Farmaajo joogay ka xirnaa albaabka Itoobiya kadib markii bishii tegtay uu madaxweynaha Puntland tegay Addis Ababa kulana kulmay wasiiro ka tirsan xukuumadda Abiy.

Walaaca Abiy ka qabo dowladda Xasan Sheekh waxaa biirsaday tan ay madax goboleedyada Soomaaliya qaarkood ka qabaan Villa Somalia, gaar ahaan kuwii ku xirnaa Farmaajo.

Madaxweynaha Galmuudg Axmed Qoor Qoor waxaa wasiirkii arrimaha gudaha looga dhigay Axmed Macallin Fiqi, oo horey u ahaa wasiirkiisa amniga balse ay kula tageen dagaal siyaasadeed, waxaana magacaabistiisa uu Qoor Qoor u fasirtay farriin loo soo diray.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa xabsiga looga soo daayey Mukhtaar Roobow, loogumana simin intaas’e waxaa laga dhigay wasiir.

Roobow wuxuu ka dhashay beesha ku xooggan Baydhaba, waxaana marka taas lagu daro xilka wasiir, ay Laftagareen u dirtay diginin ah inuusan sii joogi doonin Baydhaba marka muddo xileedkiisu dhammaado December 2022.

Abiy iyo Laftagareen ayaa durba isla xirtay, waxaana maalmo kahor Lafta-gareen diyaarad militari looga qaaday Baydhaba oo lagu geeyey Itoobiya, halkaasi oo wada-hadallo uu kula yeeshay xubno ka tirsan maamulka Abiy iyo saraakiil ciidan.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayagu cabsi kama qabaan in Villa Somalia ay kursiga ka tuurto. Axmed Madoobe wuxuu isku haleynayaa Kenya oo sanado badan ku haysa Kismaayo, halka ay adag tahay in dowladda federaalka ay farogeliso siyaasadda Puntland.

Villa Somalia waxay ku adkeysaneysaa, horeyna madaxweyne Xasan Sheekh uu u ballan-qaaday inaanay jiri doonin siyaasad la mid ah tii Farmaajo ee maquuninta madax goboleedyada.

Si kastaba, tallaabooyinka xukuumadda qaarkeed ayaa walaac abuuri kara, taasi oo qasbeysa in madax goboleedyada qaarkood ay raadsadaan isbaheysiyo cusub.

In Farmaajo oo wax uu ka naxayey ama xeerinayey jirin, uu Axmed Madoobe ka saari waayey Kismaayo, sababo la xiriira taageerada Kenya, waxay madax goboleedyada cabsida qabaa ku dhiiri-gelineysaa inay garab ka raadiyaan Itoobiya.

Hase yeeshee su’aasha ayaa ah; Itoobiya xilliga ma ku dhiiran kartaa in ciidamo aysan raali ka aheyn Villa Somalia ku daabusho Baydhaba iyo Dhuusomareeb oo ay difaac u noqdaan Laftagareen iyo Qoor Qoor, sababtoo ah xaaladda hadda waa ka duwan tahay sida 10 sano kahor ay aheyd markii Kenyan-ka ay soo galeen Kismaayo.

Soomaaliya waxaa isha ku haya indhaha caalamka oo idil, wayna adag tahay in xilliga lagu xadgudubo madaxbanaanida dalka. Balse waxaa Abiy lagu yaqaan inuu yahay siyaasi qar iska tuur ah oo aan nixin sida laga fahmayo weerarkii uu ku qaaday Tigrayga.

Itoobiya iyo Abiy ma ilaalin doonaan madax goboleedyadii xulufada la ahaa Farmaajo?