James Swan oo ballan-qaad u sameeyey dowladda madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ballan-qaad culus u sameeyey madaxweyne Xasan Sheekh xilli uu shacabka Soomaaliyeed usoo diray hambalyo ku aadan maalinta 1-da Luulyo.

James Swan ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu shacabka Soomaaliyeed kala qeybgalo dabaaldagga maalmaha xorriyadda, oo uu sheegay inay qaas u tahay shacabka Soomaaliyeed si ay muujiyaan madaxbannaanidooda.

Ergayga ayaa sheegay isagoo ka faa’ideysanaya dabaaldagga inuu ka xafiis ahaan diyaar u yahay inuu sii xoojiyo taageerada ay Qaramada Midoobay siiso dowladda dhexe, maamulka goboleedyada iyo dhammaan shacabka Soomaaliuyeed si ay mustaqbalka dhow uga baxaan dhibaatooyinka haysta.

Waxa uu sheegay inuu Soomaalida u rajeenayo mustaqbal wanaagsan oo sal u noqda Nabad iyo Barwaaqo, isagoo carabka ku adkeeyey inay taas u baahan tahay dadaal dheer iyo inay dhexda u xirtaan.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa u qornaa sidaan:

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.

Wuxuu ku celinayaa sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo shacabka Soomaaliyeed  dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaayeen ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka nabad iyo barwaaqo badan.