Jawaab: Faalladii Saado Cali Warsame

Waxaan akhriyey maqaal uu ku qoray website ka (caasimadda.net) nin magaciisa ku laray darajada (Dr), waa Dr Xeyle Suudi. Darajada (Dr) waa title laga soo gaabshay erayga af-ingriisiga ah ee loo qoro sidan (Doctor), erayga Doctor laba nooc ayaa loo kala qeybshaa waana title aqoon xanbaarsan, macanaha 1aad waxaa loo yaqaanaa qofka bartay kuna takhasusay cilmiga caafimaadka aadanaha ama xoolaha (medical doctor), macanaha 2aad waxaa loo yaqaanaa qofka isna bartay aqoonta inteedaa kale oo heysta shahaadada Doctorate-ka ee loo yaqaan “PHD” lagana soo gaabshay (Doctor of Philosophy). Dr Xeyle wuxuu sitaa oo uu soo qortay darajadaa, ma garan karno iney dhab tahay oo uu yahay qof title-kaa leh iyo iney tahay boobkii lagu hayey darajooyinkii cilmiga iyo kuwii ciidanka 20-kii sano ee bur burka lagu jiray.Hadaan u soo noqdo maqaalkii Dr Xeyle waxaa uu kaga hadlayey fanaanada Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame, waxaa uu isku dayey Dr Xeyle inuu kaga hadlo maqaalka taariikhda Saado, hayeeshee uu qalad badani ka buuxshay isla markaana uu huwiyey af la gaadho aan loo meel dayin. Dr Xeyle waxaa uu fanaanada ku tilmaamay tilmaamo dhowra, sida “hayi raac, dhuuni raac, tuul la isticmaalo, (tuul waa qalab la isticmaalo marka wax la fur furayo ama la dhisayo, IWM.

Saado waa fanaanad Soomaaliyeed maantana waxaa u dheer iney tahay xildhibaanad Soomaaliyeed, waa qof la dhaliili karo oo taa lama diidi karayo, waayo qofka mar haddii uu “celebrity” noqdo, qof caana ama siyaasiya waa hubaal in ay jirayaan dad badan oo la dhacsan iyo kuwa kaloo badan oo iyana diidan. Marka aad qof ceynkaaya  dhaliileyso waa in dhaliishaadu noqotaa mid xikmadeysan isla markaana ka reeban “shaqsi weerar” adigoo doodaada qodobeynaya, xishood iyo asluubna raacinaya si qofka la dhaliilayaa qudhiisu uu wax ugu qaato inta kale ee maqasha dhaliishaana ama aragtaa ay ula muuqan karto dhaliil wax ku ool ah oo hufan, hadii qofka la dhaliilayaana uu noqdo qof dumara iyana ka sii daran oo waa inaad carabkaaga iyo qalinkaagaba aad u ilaalisaa saadan ugu dhicin wax qadafa oo aad qofkaa dumarka u geysato.

XAGGA DHAQANKA.

Soomaalidu waa dad dhaqan iyo diin leh, si kastoo ay raggu isugu dhacaan, haddana waxaa reebanaan jirtay in xagga qoyska iyo dumarka la iska maro, waxeyna weligeed aheyd ceeb aad u weyn in qof meel fagaare ah gabadh wax uga sheego, hadey dhacdana inta la canaanto oo la isugu tago ayaa xaal iyo xumeyn laga qaadi jiray. Intaa kaliya maahee waxaa reebanaan jirtay ceeb weynna loo arki jiray haddii nin, ku siiyo gabadh uu dhalay in lagaa maqlo (ma rabo) oo aad diido gabadhii lagu siiyey. Raage Ugaas oo ahaa gabyaa caana ayaa gabadh uu jeclaa dhib badana ka maray ugu danbeyn ku guuleystay inuu doono oo la siiyo, Raage xoolo badan ayuu ku baxshay,  xiligii uu u soo diyaar garoobay inuu gabadhii la siiyey ee uu jeclaa la aqal galo, ayaa markii uu reeraha soo gaaray lagu war geliyey in gabadhii Garaad Faarax Garaad Wiil Waal la siiyey oo la aqal galay. Raage dhulkii baa la wareegay maskaxdiisana wax badan baa ku soo dhac dhacayey.Odeygii gabadha dhalay oo Raage Ugaas la hadlaya ayaa yiri, Raagow war la ceeboobyee wax kaloo aan sameeyana ma aqaane ee maandhow gabadha aad jeclaatay tii kayareyd baa joogta iyadaan ku siiyey. Raage oo ahaa nin qorshe hor leh la kulmay waagiina ku baryey, caro fara badanna ka muuqataa, gabayana xataa ka tiriyey waayadii danbe waxa lagu sameeyey, ayaa haddana ku dhici kari waayey inuu yiraahdo maya oo ma doonayo gabadhaa, isagoo sababo badan oo uu ku gar leeyahayna heystay, xoolana weliba looga qaatay gabadhii ninka kale la siiyey ee godobta looga galay, ugu danbeyn Raage wuxuu ku qasbanaaday inuu ogolaado, taana bal aan ku qotomino sida dhaqanka waanaagsan ee gabdhaha loo ixtiraamo.

XAGGA DIINTA.

Xiligii Nabi Muxamed (NNKAY) waxaa soo dhacay dagaalo dhowr ah, waxaana ka mid dagaaladaa, dagaal kii la oran jiray (Qazwatu Banu Qeynu Qaac) ama “dagaal kii reer Qaynu Qaac”. Dagaal kaa sababtii uu ku yimi ayaa waxaa lagu sheegaa in ” haweenay muslimad aheyd oo aan magaceeda labsheegin lana qabay, ay u soo adeeg doonatay dukaan ay lahaayeen yahuudii reer Qeynu Qaac ee Madiina daganeyd, dabeetana gabadhii intii ay ku sii jeeday badeecadii ay gadan laheyd ayaa ninkii meesha lahaa inta maradeeda hoosta ka soo jiiday ilaa madaxa ugu xiray, waxaana muuqday gabadhii cowradeedii, nin Ansaartii reer Madiina (saxaabi) ka mid ah oo goobta joogay ileen gabadhuba Ansaariyad bey aheyde ( Anasaar waxaa loo yaqaanay saxaabadii Nabiga NNKHA uu ugu yimi magaalada Madiina) ayaa markiiba weeraray ninkii reer Qeynu Qaac wuuna dilay, raggii kale ee meesha joogay lana reero ahaa ninka la dilay ee Qeynu Qaac baa iyana weeraray saxaabigii reer Ansaareed ilaa ay ka dileen, wuxuuna saxaabigaa u dhintay isagoo gabadhaa difaacaya sharafkeeda. Kadibna arintii baa lawada maqlay waxaana halkaa ka kacay dagaal kii weynaa ee loogu magac daray (duulaan kii Qeynu Qaac) waxaa qisadan buuggaagtooda ku qoray Ibnu Kathiir iyo Ibnu Hishaam, taana aan ku qotomino qiimaha Islaamka u hayo gabdhaha iyo sida loo dhowro.

XAGGA REER GALBEEDKA.

Waxaa laga yaabaa qaar badan oo uu Dr. Xeyle ka mid yahayba ay u heystaan in reer Galbeedku aanay ixtiraamin gabdhahooda, iyo gabadh kasta oo wadamadooda kula nool, laakiinse sidaa maaha, oo waxaad moodaa in sida Soomaalida iyo dadyowga kale ay gabdhahooda dhaqan ahaan u xushmeeyaan, si la mida ama ka wacan ay iyana u xushmeeyaan.

TUSAALE: Xiligii hardanka doorashada ay ku wada jireen labada Xisbi ee Mareykanka “Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga” ayaa sida caadada ah loo qabtaa doodo 2da nin ee markaa Xisbi walba u sharaxan Madaxweynenimada dalka, kadib war-baahinta laga sii daaya, lagana doodaa. Haddaba hardankooda wuxuu gaaraa heer kharaar waxaana dhacda inaan waxba la isula harin, iyadoo aan hadana laga tageyn asluubka waanaagsan ee la isu dhaliilo.

Laakiin waxaa dhacday arin aan lagu tashashan oo hal mar jaah wareer ku keentay wadanka oo dhan, kadib markii haweeney Xisbiga Dimuqraadiga u qaabilsan “Arimaha Istraatiijiyada ee Xisbiga” ay si bareer ah u maagtay Xaaska Murashaxii Jamhuuriga Mitt Romney oo iyaduna magaceedu ahaa Anna Romney, hweeneydaa Dimoqraadiga ah ayaa waxey tiri “Anna Romney weligeed ma shaqeyn, mana garan karto dhibaatada heysa dadka shaqeeya” mar qura ayaa lawada naxay Dimoqraadi iyo Jamhuuriba Obama oo ahaa Murashaxa Xisbiga Dimoqraadiga iyo masuuliyiin kaloo badan ayaa ka dalbaday haweeneydii iney raali gelin ka bixiso, waxaana in badan lagu cel celiyey “dagaalka inaan loo gudbin ama la soo gelin xaasaska iyo qoysaska” si dhaqanka aan looga tagin iyo ixtiraamka qoysasku leeyihiin. Arinkaasi ay haweeneydu ku kacday wuxuu noqday shock taana waxey na tuseysaa in xagga qoysaska iyo dumarka la iska maro ay Khalad weyn tahay, hadey noqon laheyd Muslim iyo dad aan Muslimba aheyn, bal taana aan ku qotomino kawada sinaanshaha umadaha oo dhan, khalad u arkida wax ka sheega gabdhaha goobaha fagaaraha ah.

Haddaba Dr. xeyle Suudi, darajada “Dr” ee uu sito akhristow maxey kuula muuqataa?
 
SAID ABDI HIRSI
Los Angeles, California 
somalitimes@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid