Jawaari oo digniin jeediyay iyo kulamo xasaasi ah oo u billaabanaya

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudanayaasha baarlamaanka ee ka maqan fadhiyada ku wargaliyay in ay ugu dambeen soo xaadiraan ilaa 20-ka bishan, maadama ay billaan doonaan shaqooyin aan caadi ahayn.

Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xitaa xildhibaannada fasaxa ku maqan in ugu dambeen ay ku soo xadiraan fadhiyada baarlamaanka 20-ka bishan.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka uu yeelan doono kulamo joogto ah oo looga hadlaayo xukuumadda Soomaaliya iyo isku shaan dheen la sheegayo in lagu sameenayo golaha wasiiradda.

Si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socda mooshin la doonayo in lagu rido ra’iisal wasaaraha ama golaha wasiiradiisa.

Waxaa jira xildhibaanno fara badan oo arrintan u gurbaan tumanaya, kuwaasoo doonaya in xilka laga tuuro ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, balse mar uu maanta dadka warfidiyeenka la hadlayay uu cadeeyay in ay jiri doonto isku shaandheen balse wax xil ka qaadis dhiniciisa aysan jiirn isla markaana uu xafiiska sii joogayo ilaa 2016-ka.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com