Jawaari oo ka digay hal arrin oo ay caadeysteen Xubnaha BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud uu sheegay in Maamul Goboleedyada dalka ay mudan tahay in loogu yeero Dowlad Goboleedyada Somalia, ayaa waxaa arrintaasi kasoo horjeestay Guddoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Prof Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inaysan jiri Karin cid Maamulada Gobolada dalka ugu yeeri karto Dowlad Goboleedyo waxa uuna tilmaamay in Maamulada iminka dhisan aan laga ansixin BF sidaa darteedna aan la dhihi Karin Dowlad Goboleedyo.

Waxa uu Jawaari ka digay in Maamulada dhisan loogu yeero Dowlad Goboleed, waxa uuna fariintaasi u diray Xubnaha BF Somalia.

Wuxuu sheegay in Xildhibaanada BF looga baahan yahay ilaalinta Nidaamka iyo Sharuucda Dalka islamarkaana aysan Maamul KMG ah ku sheegin Dowlad Goboleed, ilaa laga ansixinaayo.

Nuqul kamid ah fariintiisa ayaa waxa uu yiri “Dowlad Goboleed waxaa noqon kara Maamulka ka taliya Labo Gobol iyo wixii ka badan oo Baarlamaanka Soomaaliya uu Ansixiyo”

Haddalka Jawaari ayaa imaanaaya iyadoo inta badan Mudanayaasha BF ay Gobolada dalka ugu yeeraan Dowlad goboleedyo, waxa ayna taasi ka dhigan tahay inay si dadban u baalmareen shuruucda dalka sida uu ka shanqariyay Gudoomiyaha BF.

Hogaamiyayaasha Maamulada KMG Somalia ayaa lagu wadaa in dhawaan looga yeero Magaalada Muqdisho si loo guda galo sharciyeynta magacyada Dowlad goboleedyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com