TUBEEC oo ku geeriyooday Germany!!!

Munich (Caasimada Online) Magaalada Munich ee dalka Jarmalka waxaa saakay aroortii ku geeriyooday Allaha ha u naxariisto boqorkii codka Maxamed Saleymaan Tubeec.

Geerida fannaanka waxaa Caasimada Online u xaqiijiyay wiilkiisa Mustufa Maxamed Saleymaan oo ku sugan dalka Germalka oo sheegay in uu fannaanka ku geeriyooday Isbitaalka uu ku jiray kaddib markii dhawaan lagu sameeyay qaliin dhinaca sanbabaha.

Wuxuu sheegay aabihiis in labo jeer qaliin lagu sameeyay, isla markaana uu galay koomo wixii ka dambeeyay markii qaliinka lagu sameeyay.

Wuxuu sheegay Aabe inta uu dhimman in uu ka dardaarmay halka lagu aasayo oo ah magaalada Laaleys oo ku taalla duleedka Berbera oo ah halka uu ku dhashay.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday da’da 71-jir sidda uu sheegay wiilkiisa Mustaf Maxamed Saleymaan Tubeec.

Marxuum Maxamed Saleymaan ayaa fanka ku soo biiray sannadkii 1957-dii, isagoona fanka uga soo biiray gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, wuxuu noqday fannaanka ugu codka macaan Soomaaliya oo dhan, siddaas ayaana loogu bixiyay Fannaanka boqorka codka.

Allaha u naxariisto Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa waayihii dambe xanuunsanayay, waxaana lacag uu dadka Muqdisho ka codsaday u aruuriyay maamulkuu horre ee gobalka Banaadir iyo dadka ku dhaqan.

Wuxuu ka tirsanaa hobollada Waaberi ee hoggaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliya.

Wuxuu ifka uga tagay 7-carruur ah oo afar ay yihiin wiil iyo seddax gabdhood iyo xaasas uu qabay.

Haddaba bahda Caasimada Online, waxa ay lee yihiin Ilaahay Naxariistii Janno haka Waraabiyo Fannaankeenii Maxamed Saleebaan Tubeec, Ehelkii iyo Asxaabtii iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu kuu baxayna Samir iyo Iimaan haka siiyo,Aamiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

Caasimada@live.com