Johan Cruyff oo sheegay in Real Madrid ay ka Qatar badan tahay koox walba.

Halyeeygii kooxda Barcelona Johan Cruyff ayaa ka hadlay kulanka ugu xiisaha badan Primera Division ay kooxdiisii hore ay la ciyaareyso axada kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid, wuxuuna maanka ku hayaa inaysan aheyn wax la aqbali karo in Barca ay gegadeeda Camp Nou guul darro kaga soo gaarto kooxda heysata Horyaalka La Liga.

Kooxda Jose Mourinho ayaa sided dhibcood ka dambeysa Barcelona iyadoo keliya la ciyaaray lix kulan, wuxuuna Cruyff ka digayaa inay xaaladaan Real ku noqoneyso inay El Clasico guul darro huwiso Barca.

“Caadiyanba ma garaneysid waxa dhici doona, laakiin xiligaan waxaan u maleynayaa in Madrid ay koox walba ka qataysan tahay sababtoo ah aad ayey uga dambeeyaan [Farqiga dhibcaha],” Cruyff ayaa sidaasi u sheegay Sky Sports.

“Hadii kulankaan ay guul darreystaan waxay taasi la micno tahay inay horyaalku sabir ku dhowaado. Waa kulan caadi ay ka tahay in lagu dagaalamo. Madrid waxay sameyn doontaa wax walba oo ay ku bedeleyso xaaladaan ku hareereysan.

“Cadaadis ayaa kori doona Mourinho ka dib hadii ay lumiyaan kulanka axada. Ka dibna waxaa jiri doona dhibaatooyin waa weyn.”