Jose Mourinho oo cadaalad darro ku tilmaamay in Messi markii afaraad la siiyo Ballon d’Or.

Jose Mourinho ayaa mar kale si la yaab leh uga hadlay sida uusan uga maageyn in xidiga ay isku wadanka yihiin ee Cristiano Ronaldo uu Abaal marinta Ballon d’Or, uga adkaado weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi.

Messi, oo sedaxdii sano ee ugu dambeysay ku guuleystay abaal maritaan ayaa markiisii afaraad wadada ugu jira inuu u dhigo Rikoor cusub, Mourinho ayaase midaas u arka cadaalad darro hadii la sameeyo.

“Aan kaftanka joojino. Ballon d’Or waxaa ku guuleysta ciyaaryahanka ugu fiican, hadii uu ahaan lahaa Cristiano ama Messi” ayuu tababarihii hore ee Inter u sheegay France Football.

Jose ayaana cadaalad darro u arka in abaal marinta markeedii afaraad gacanta loo gelsho Messi, halka uu Ronaldo keliya hal jeer heysto, wuxuuna isugu jawaabayaa in cadaalada laga fogaaday:  “Laakiin waxaan ku weydiinayaa, hadii labadooda ay isku mid yihiin oo ay yihiin ciyaartoyda ugu fiican caalamka, ma wax caadi ahaa in midna uu ku guuleysto afar mar halka mid kale uu ku guuleysto kaliya hal jeer? Maya ma ahan.

Special One ayaa u arka in shuruudaha laga rabo abaal marinta uu buuxiyey Ronaldo maadaama uu kooxdiisa sanadii hore u qaaday Horyaalka La Liga, xilli ay Barcelona ku guuleysatay Coppa Del Rey.

“Hadana waxaa jira wax kale, ma qaadi kartid Ballon d’Or adiga oo aan kooxdaada kula guuleysan koob muhim ah. Halkaan uma joogo inaan ka hadlo koobkii Club World Cup ee ay qaadeen oo iska ah koobkaan aan sidaas loo daneynin iyo koobkii Supercopa ee aan qaadnay oo ah koob yar.

“Aniga ahaan,waxay iila muuqataa in koobabkii ugu muhimsanaa ay ku guuleysteen Chelsea iyo Madrid. Chelsea waxa ay qaaday Champions League, anagana waxaan ku guuleysanay horyaalka caalamka ugu fiican.

“Sidaasi darteed, hadii uusan Cristiano Ronaldo sanadkaan ku guuleysan Ballon d’Or, ma waxaa uu ku weynayaa inuusan qof aad u furfuran aheyn, inuusan muuqaalkiisa si fiican u gadin, inuusan bixinin wareysi uu ku raaligelinayo dad ay garoonka ku dhex murmeen.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.