Juan Mata: Waxaan ugu soo biiray Chelsea inaan koobab kula guuleysto.

Xidiga garabka ka ciyaara ee kooxda Chelsea Juan Mata ayaa la dhacsan bandhigiisa Barclays Premier League tan iyo markii uu Blues uga soo biiray kooxda Valencia xagagii lasoo dhaafay.

24 jirkaan ayaa sanadkii ugu horeeyey kooxdiisa kula guuleystay FA Cup iyo Uefa Champions League, isagoona doorar muhim ah ka ciyaaray tartamadaas.

Mata, aya sidoo kale bandhig fiican muujiyey intii uu ka hoos ciyaarayey Roberto Di Matteo xilli ciyaareedkan, wuxuuna caawiye ka noqday afar gool lix kulan oo Premier League ah.

“Daacadnimadii, sidaas ma aanan rajeyneyn,” ayuu u sheegay France Football isagoo ka hadlaayey tartanka kubada cagta Ingiriiska.

“Waxay aheyd xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyey ee England wax walbana ded deg ayey u dheceen.

“Hadeer ayaan soo saaray calaamadeheyga, anigoo uga mahad celinaaya ciyaartoyda aan isku kooxda nahay. Nasiib ayaan u lahaa inaan gool dhaliyey kulankeygii ugu horeeyey. Ka dib, waxaan yeeshay tageerayaal.

“Waxaan ugu soo biiray Chelsea sabab ah inaan koobab kula guuleysto, waxaana xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyey kula guuleystay labo koob, sida Champions League oo galay taariikhda kooxda.”