Jubbaland: Hal arrin ayaa looga baahan yahay Kenya iyo SOMALIA + Dhageyso

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay xiisadda u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo maalmihii ugu dambeeyay sii xoogeysaneysay, iyo go’ankooda dhabta ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn sheegay in labada dowladood looga baahan yahay inay cadeeyay waxa uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya labada dowladood.

Isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu wanaagsanaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, sidaasi darteedna loo baahan inay dib u wanaajiyaan xiriirka labadooda u dhaxeeya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayuu ka dalbaday inay Kenya ka qanciso halka cilada ka jirto, waxaana uu Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud  Sayid Aadan uu sheegay in mowqifka Jubbaland ee khilaafka labada dowladood uu yahay inay ka xun yihiin.

“Waad og tahay sanadihii ugu dambeeyay labada dowladood xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay, waxaa la rabaa in dowladda Soomaaliya ay ka qanciso shacabka Soomaaliyeed sida dhabta ah ee ay wax u jiraan”ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Kenya dhankeeda looga baahan yahay inay cadeyso waxyaabaha keenay inuu xumaado xiriirka labada dowladood u dhaxeeyay sanadihii ugu dambeeyay.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo aan weli xal loo helin,hayeeshee dad badan ay ku baaqeen in wadahadal wax walba lagu dhameeyo.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne ku xigeenka Jubbaland

Caasimada Online
Xafiiska JUbbaland
Caasimada@live.com