Jubaland oo digniin u dirtay siyaasiyiintii ka horyimid muddo kororsiga A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Duqa magaalada Kismayao Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Farawayne) oo la hadlay warbaahinta ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland oo dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho, kuwaas oo si cad uga horyimid muddo kordhinta loo sameeyey Axmed Madoobe.

Farawayne ayaa u digay siyaasiyintaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday inay abuurayaan carqalad ka dhan ah Jubbland, kadib muddo kororsigii Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu difaacay muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha maamulka Jubbaland, isaga oo tilmaamay si qaldan loo turjumay, sida uu hadalka u dhigay.

“Intii hotel Maa’ida la fariisto dadka halaga maago, arrintaas hala iska daayo waa ceeb, haddii arrintaas billaabatana nin walba waa is difaacayaa,” ayuu yiri duqa Kismaayo.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Haddii makarafoonada bataan nin walba kitaabkiisa qoorta loo surayaa,” .

Siyaasiyiinta Jubbaland ee diiday muddo kororsiga Axmed Madoobe, kuna shiray Muqdisho ayaa ku dhowaaqay isbaheysi, waxaana ka soo muuqday Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Axmed Madoobe.

“Wax talo ah oo Senatorradii ama Xildhibaanadii laga soo doortay Jubbaland uu Axmed kala yeeshay mudo kororsigaan ma jirto, wuxuu ahaa go’aan shalay soo bilowday oo isla shalay lagu kala baxay,” ayuu yiri Senator Fartaag oo ka hadlay xaaladda cakiran ee Jubbaland.

Si kastaba, baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaadkan hal sanno oo dheeri ah ugu daray muddo xileedka Axmed Madoobe, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.