Jubbaland oo shaacisay laba qodob oo Kheyre iyo A/Madoobe ka hadlayaan

Kismaayo (Caasimada Online) – Waddooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa xiray, iyadoo maanta lagu wado inuu tago magaalada Kismaayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Safarka ra’iisul wasaaraha oo dib u dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay, ayaa maanta la filayaa inuu ku tago magaalada Kismaayo, iyadoo magaalada ay kaga sii horeeyeen xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay kulanka magaalada Kismaayo ku dhex maraya raiisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xersi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland kamid tahay dowlad goboleedyada caadiga ah ee ka dhisan gobolada dalka, islamarkaana waxyaabo badan ay ka wada hadli doonaan labada dhinac.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan ayaa waxaa lagu sheegay xal ka gaarista mad madowga ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya iyo in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ka qeyb galo shirka ka dhacaya magaalada Garowe.

“Muddo ayaa waxaa taagnaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, tii ayaa loo meel dayayaa in xal loo helo, sidaa ayuuna kulanka daba socdaa”

“In xal loo helo dhibaatada jirta kaasi oo noqon kara mid anfaca Soomaalida uu anfacayo, wax walbaa oo sahlaya in wadahadalada guuleystaan gundhig ayay u noqonayaan kulanka ka dhacaya Kismaayo,ayuu yiri Xer Jaamac.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo ku yaala magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com