Juxa oo fasiraad cajiib ah ka bixiyey xiriirka ay dowlada Soomaaliya u jartay Guinea

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa su’aallo ka keenay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Guinea ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay Qaranimadda Soomaaliya.

Hadalka Juxa ayaa siddaan u qornaa:

Sidee loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara xiriirka ay Somalia sheegtay inay u jartay Jamhuuriyada Guinea?

1. Horta, Guinea ma aqoonsan Somaliland, mana jiro war kasoo baxay xageeda oo arrintaas ku saabsan. Keli ah waxay booqasho ku Casumeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

2. Qarsoodi maaha in Somaliland 28-kii sano oo u damaysay ay sheegtay inay Somalia ka go’day, aduunkana siyaabo kala duwan ula macaamilaysay.

3. Somalia xiriir safaaradeed Gunea lama laha, mana jiro xiriir diplomasiyadeed oo la gooyaa.

Hadaba sidee arrintan loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara?

Keli ah waxay tani muujinaysaa “khalkhal, jaahwareer iyo Nugayl diplomaasiyadeed” oo xad dhaaf ah dhinaca Dawladda Federaalka, waxaana ka dhalan kara “kala fogaansho iyo damqasho boogihii tabashada reer Somaliland iyo Mugadishu.” Waa talo iyo talaabo aan laga fiirsan.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com