Ka hortaga cadawga Somalia (Ku dhawaaqa xukun deg-deg ah)

Dowladda waxaa waajib ku ah inay XUKUN DEG-DEG AH (EMERGENCY) ku dhawaaqdo si loo baajiyo loogana hortago mu’aamarada ay wadaan kuwa isku magacaabaya Isbaheysiga oo dantoodu tahay kursi doon ama dalka oo duma.

Waxaa billawday olole aad iyo aad khatar ku ah jiritaanka dalka iyo dowlannimada Somaliya, kaddib markii ay soo bexeen kooxo isku magacaabay axsaab oo ku midoobay in dalkaan lagala dagaalo inaysan ka dhicin degganaan, horumar iyo nabad ku noolaasho wax doorasho la yiraahdana aysan ka dhicin, waxayna guruubkaani u adeegaan cadawga ummadda. Waxaan heysanaa dowlad shaqeysa oo howlaha dalka si wanaagsan u kala wadaiyadoo adduunka oo dhan maanta laga aqoonsaday in Somaliya ay dib ugu soo laabatay saaxada adduunka, oo weliba ku socota waddadii lagu gaari lahaa himilooyinka ay dadku higsanayaan.

Waxaa soo baxday qoladaan aan ku magacawnay isbaheysiga burburinta Somaliya kaddib markii ay dalbadeen in Madaxweynaha uu Villa Somaliya ka guuro, xilkana ku wareejiyo guddoomiye Jawaari, iyagoo cuskanaaya dustuurka dalka!!! waxaa xaqiiqo ah inaysan dustuur weligood akhrin dad is-dhaamana aysan ku jirin..khabiiradooda waa C/weli Xiirane & Salaad Cali Jeelle oo waxa ay ku hadlayaan ama erayada afkooda ka soo baxa meesha ku illaaba. Waa garan waayeen in Guddoomiye Jawaari uu waqtiisi ka hor dhammaaday kan madaxweynaha, balse ay jagooyinka sii hayaan inta laga helaayo cid beddesha si sharciga waafaqsan. Bal dadka arintaa ka hadlaya waa dad ahaan kuwa ugu liita xagga aqoonta, garaad yarida iyo jufo neceyb aan geed loogu soo ganban. Inti arrintaa ka hadashay oo sawirkoodu meesha ka muuqday waa dad tikidhadi ay ku dhoofi lahaayeen soo xajistay ( booking) si ay uga cararaan marka dagaalka ay maleegayaan bilawdo… waxay soo diyaariyeen ilaaladooda iyo dhallinyaro xoogaa fara qabasi la siiyay oo lagu hogaamiyay inay dagaal billaabaan si magaalada Xamar u dunto oo lagu kala cararo, dowladnimadi lagu hanweynaa ay halkaas ku dhimato.

Haddaba, haddii ay dalka dowlad ka jirto waa in xubnaha isbaheysiga oo dhan si dhaqso ah loo soo xirxiraa intey goori goor tahay, laguna dhaqaaqo in dalku galay EMERGENCY AMA XUKUN DEG-DEG AH, doorashadana dib loo dhigo inta ay khatartaani jirto.

Waxaan heyadaha amniga ka codsaneynaa in dadkaan la tusiyo oo la taabsiiyo in dalkaani uu dowlad leeyahay, gurub leh dano gaar ah aysan caasimada dalka khatar gelin karin, oo aysan dowladda ku handadi karin bannaan-baxyo xaaraana oo loola jeedo in dalka lagu geliyo khal-khal iyo dhibaatooyin amni-darro..waa in laga qaadaa tallaabooyin ay ka shallaayaan. Maadaxweynaha, iyo xubnaha xukuumada oo dhan, waxaan u soo jeedineynaa inaysan cidna ka heybeysan sida beesha caalamka , IGAD iyo AMISOM midna, kuna dhaqaaqaan go’aan qaadasho xor ah oo lagu badbaadinayo dalka iyo dadka.

Guruubkaan inta qof uu ka kooban yahay waa in laga qaadaa XASAANADA, haddii ay leeyihiin, lana tusiyaa in dalkaani dowladi ka jirto, afar garaad-laawayaal ahna aysan khalkhal geli karin, iyagoo isku halley haaya awood dowlado kale leeyihiin oo ay sugaayaan inay u soo gurmadaan marki xaal xumaado haddeysan ka towba keenin dembiyada ay dhex dabaalanayaan. Dadweynaha gobolka Banaadir waa inay ka feejignaadaan isuna diyaariyaan ka hortagga mu’aamarooyinka ay maleegayaan cadawga ummadda ee maanta la baxay magaca ISBAHEYSIGA BURBURINTA SOMALIYA.

W/Q: Axmad Calasow

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com