KA: Muqdisho, KU: Kismaayo (Farriin caajib ah oo 2da magaalo isu direen).

Waxey aheyd sanado xanuun badan markii ciideyda si qasab ah lagu cabsiiyay dhiig bini’aadam, ma aanan dareemi jirin qoyaanka biyaha, ma aanan dareemi jirin qabowha hawada, ma aanan carfi jirin uduga neecaawda, geedaheygu waa ey qalaleen, guryaheygu waa ey dumeen, habeenkeygu wuxuu ahaa maalin, maalinteyduna habeen, waxaan had iyo jeer is weydiin jiray maxaa sidaan kuu qoray, maxaa nasiibkaaga sidan ka dhigay, waxaan indho jilicsan ku eegi jiray magaalooyinka iga yaryar ee hadane nabada ah, waxaan isdhihi jiray alla maxaa caasimad kaa dhigay!!

Xalaadu waxa ey sidaa ahaataba waxaa mar qura ii ifay iftiin aanan 22 sano arkin, hawadeyda waxaa dabooshay daruur hillaaceysa, xeebteyda oo 22 sano fadhisay ayaa hirarkeedu kaceen, waxaa I sarqaamiyay neecaaw udgoon oo mudo aanan dareemin, geedaheygi ayaa ubax bixiyay, guryaheygi ayaa boorka laga jafay, waxaa meel dhaw iiga bidhaamay calan qurux badan oo midabka cirka iyo xidig shan geesood ah leh, maanta miyaa la’idhalay?, xageen jiri jiray?

Anigoo habeen iyo maalin ku jira damaashaad, ubaxyadeyda udgoon dhunkanaya, neecaawda qabow ku raaxeysanaya, ayaa waxaa ii timid qeylo-dhaan, “Walaalshaa, Walaashaa”, mudo labaatan sano kabadan waxaan ilaawsanaa in aan walaal leeyahay, waxaan ku iri walaashey waa tuma? Waxaa jawaab la’iisiiyay walaashaa Kismaayo ka gaar, inyar oon fikiray waxaan soo xasuustay Kismaayo, haa, magaaladii quruxda badneyd, xeebta iyo dakada weyn laheyd, magaalada soomaalidu ku hamiso in ey noqoto mid kamida magaalooyinka ugu ganacsi wanaagsan Afrika, magaalada cadawgu wada haminayo, magaalada aan dooneyno in aan kula tartano dakadaha iyo garoomada aduunka ugu waaweyn, haa, maxaa helay?, waxaa la’isiiyay jawaab farxadeydii ka dhigtay murug, maalinteydii ka dhigtay habeen, damaashaadkeygii ka dhigtay tacsi, “wadadii qodxaha badneyd ee aad 22 sano ku dhex rafaadsaneyd ayey soo heysaa”.

Kismaayo, darsi iga qaado, cilmi iga baro, nabadu waa qaali, colaadu waa cadaw, wax kasta oo lugugu sameeyo ma jirayaan wax kaaga xanuun badan in dhiig lugugu dul daadiyo, yeysan ku dagin dhalin yarada durbaanka dagaal kuu garaaceyso, ogow waa wax xanuun badan marki aad aragtid cunug yar oo dushaada ku dhiig baxaya, marki aad aragtid hooyo dushaada lugu dilayo, marki aad aragtid caruur iyo duqow dushaada baahi ugu dhimanaya, waxaad ogaataa waxaad leedahay hal walaal, walaalkaa waa Soomaali, dhulkaaga waa balaaranyahay, kheyraadka badaada iyo barrigaaga waa badanyihiin, soomaali oo idilne waa deeqaan, maanta digsi dowladnimo ayaa dabka noo saran, inta aan murmeyno yuusan naga gubanin.

Wiligeyn dowladaheena waxaa lagusoo dhisi jiray dibadaha, marki ugu horeysay dowlad soomaaliyeed ayaa lagu dhisay gudaha dalka, marki aan ku faraxnay bilaabashada kahoos bixida shisheeyaha, in aad nooga hartid kaligaa waa wax na niyad jabinaya, maanta dadka gurbaanka dagaal garaacaya dhib uma arkaan in IGAD maamul u sameyso kismaayo, balse waxey dhib u arkaan in dowlada soomaaliya oo dhiig iyo dhaqanba wadaagaan ey maamul KUMEEL_GAAR AH u dhisto, war maxaa qiyaasta naga qalday, Kismaayo marki soomaali oo idil lagasoo tago dadka daga ayaa iskaleh, maamul kasta oo laga dhisana ayaga ayaa xaq u leh in ey dhisaan, hase ahaatee maamul la dhisaa wuxuu qaadanayaa waqti, si kumeel gaar ah in dowlada dhexe u maamusho Kismaayo sida ey hada u maamusho Beydhabo, Baladweyn iyo Marka waxaa kismaayo ugu jirto faa’iido, waxaa lagu baajin karaa colaad fool xun oo aan lagasoo kabsan.

Ogaada reer Kismaayow in shisheeyaha Keynyaatiga ah eysan jaceyl ey soomaali u qabaan u daadinin dhiigooda, hadii ey kamid yihiin ciidama AMISOM, hade AMISOM dowlada ayey hoos joogtaa ee ayagane hasoo hoos galaan, laakin ciidan shisheeye ah oo ajande qarsoon wata in uu maanta maamul Kismaayo u dhiso isla markaane uu yiraahdo AMA HEBEL AMA DAGAAL waa wax aan soomaaliya wili horay uga dhicin.

Kismaayey maanta haku dhaqaaqin wax aad berri ka shalaay doonto, soomaaliya iftiinka usoo ifay dhinacaaga ka ifiso, shisheeyahana aan si wada jir ah uga wada hoos baxno, midnimo, midnimo, midnimo.

Wabillaahi towfiiq

 W/Q Axmed Xalaal

Caadle2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan