Kacdoon culus oo dalka ka curtay iyo xildhibaano ku biiray – wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku biiray dagaallada ka soconaya gobollada dalka ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay ayuu ka socdaa dhaqdhaqaaqa ugu badan ee dadka deegaanadaas iyo ciidamada dowladda ay ku wajahayaan kooxda Al-Shabaab oo 15 sano dagaal ka wada Soomaaliya.

Xildhibaano uu ku jiro Maalik Cabdalla oo ka tirsan golaha shacabka ayaa iska xaadiriyey jiidaha hore ee dagaalka ka socda Hiiraan, wuxuuna maanta warbaahinta kula hadlay degaanka Aboorey oo xalay lagu laayey Al-Shabaab.

“Shacabka Aboorey waa ku mahadsan yihiin in ay aqbaleen baaqii Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh, ee ahaa in la iska dhiciyo cadowga, Abooreey oo 13 sano go’doon aheyd ayaa maanta cadowga argagixisada Al-Shabaab laga saaray,” ayuu yiri Xildhibaan Maalik oo hubkiisa wata.

Horay degaanada bari ee gobolka Hiiraan dagaalkii looga xoreeyey Al-Shabaab waxaa hoggaaminayey Xildhibaanada beesha Xawaadle oo dhibaato badan kala kulantay kooxda Al-shabaab, sidoo kale beeshaas waxay fure u noqotay kacdoonka socda ee lagu ciribtirirayo Al-Shabaab.

Dhanka Galmudug, maanta ciidan iyo gaadiid dagaal oo la qorsheeyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Galmudug ee gacantooda ku jira, sida Ceelbuur, Ceelgaras, Ceel-lahelay ilaa Galhareeri ayaa maanta laga qaaday Muqdisho, waxaana laga dejiyey magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale saacadaha soo socda waxaa Galmudug ku wajahan xildhibaano heer federaal ah iyo ciidan hor leh, waxaana dulaankaan hoggaaminaya Xildhibaanada beesha Duduble.

Maalmo ka hor degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud waxaa gaaray saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo hoggaanka dhaqanka beesha Saleebaan, sidoo kale waxaa Cadaado laga dejiyey hub iyo ciidan ay dirtay dowladda federaalka.

Baxdo oo kamid ah magaalooyinka ay dhibaatooyinka ugu badan ka geysteen Al-Shabaab, hadda waxay safka hore uga jirtaa goobaha uu ka socdo abaabulka ugu culus ee dhanka Galmudug, kaas oo ku wajahan Al-Shabaab.

Dhanka Gobolka Bay, waxaa jira abaabul aan xooganeyn oo ka curtay deegaano hoos taga degmada Bardaale, halkaas oo laga aas-aasay ciidan deegaanka ah oo la baxay magaca (Dulmidiid), waxayna weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah dhowr deegaan ugu geysteen Al-Shabaab.