Kacdoon ka dhalan doona qorshaha laga damacsan yahay gobolka Banaadir oo si weyn looga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta maqaamka gobolka Banaadir, isaga oo guddiyada labada aqal ee baarlamaanka u qaabilsan dhameystirka sharciga doorashooyinka ku dhaliilay 7-dii xubnood ee Aqalka Sare ay uga qoondeeyeen.

Xildhibaan Jeesow ayaa ku tilmaamay guddigaas isku dhafka ah ee ka kala socda Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare mid baal maray dastuurka dalka, isla markaana marin habaabinaya dadka Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka dega gobolka Banaadir ay canshuur bixiyeyaal yihiin, isla markaana aysan sax aheyn dadkan niyadda laga dilo, guddiga soo saaray arintaana waxay ka shaqeeyeen in laga hor yimaado dowladda federaalka oo kacdoon shacab uu dhaco.

“Waxaan leeyahay shacabka degan gobolka Banaadir, waxaas waa wax imaan doona baarlamaanka dheg ha u dhiginina, Muqdisho waa caasimaddii dadka ku noolna ma jirto meel kale oo metelaad ay ku leeyihiin, labayna mid noqonee in Aqalka sare oo dhan la iska dhaafo dhibkiisa, ama in Aqalka Sare loo qeyb sado 4.5, laakiin shacabka Banaadir waxaan leeyahay ha is dejiyeen arintaan baarlamaanka ayey imaan doontaa mana ogolaan doonee.”

“Horta wax la yiraahdo 4.5 oo dastuurka ku qoran ma jiraan, guddiguna laba arimood ayey isku qaldeen, waxaan ay soo bandhigeena waa wax hadhow baarlamaanka imaan doona, laba arimood ee ay isku qaldee waa wax dastuuri ah iyo heshiis is af garad ah, gobolka Banaadir maqaamkiisu waa dastuuri waa khasab in dastuurka lagu qoro, mana aha wax guddi sameyn karo oo go’aan ka gaari karo” ayuu yiri.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa soo bandhigay seddax qodob oo dastuuri ah oo golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhisanyahay, kuwaas oo kala ah:

  • Dastuurku waxa uu qeexayaa in Aqalka Sare in 18-ka gobol ee Soomaaliya, min seddax kursi ay kasoo galaan.
  • Dastuurku waxa uu qeexayaa in min sideed xubnood ay dowlad goboleedyada dalka kasoo galaan Aqalka Sare.
  • Iyo qodobka sedaxaad oo ah in dastuurku waxa uu qeexayo in Aqalka Sare lagu soo dhisi karo hanaan ay dadku ku wada heshiiyaan.

“Markaan sii fiirino qodobka ah wax dadku ku heshiiyaan halagu soo dhiso Aqalka Sare, waa in lagu heshiiyaa waxa uu noqonayo gobolka Banaadir, oo saamileyda siyaasada dalku ay isku waafaqaan gobolka Banaadir ma dowlad goboleedbuu noqonayaa? Mise dowlad goboleed ay ku dhex taalo caasimadda Soomaaliya oo dowladda dhexe ay degantahay, arintaas waa mid  u baahan in si qota dheer looga wada hadlo” ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in guddigii arrimaha dastuurka ee baarlamaankii 9-aad ay soo bandhigeen dhowr arimood oo lagu xalin karay arinta maqaamka gobolka Banaadir, kuwaas oo uu ka xusay in degmo ka mid ah 17-ka degmo ee gobolka Banaadir midkood laga dhigo caasimada Soomaaliya, inta kalena dowlad goboleed ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

“Waxaan qabaa in 54-ta kursi ee Aqalka Sare lagu soo xulo 4.5 sidaasna ay ku soo galaan dadka degan gobolka Banaadir, in 18-ka gobol ee dalka oo gobolka Banaadir uu ku jiro ay min seddax  kursi u qaataan, iyo in loo noqdo sideedii gobo lee dalka sharcigii la sameeyay 1960-kii markii dalku xorriyada qaatay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Daahir.

Hoos ka dhageyso wareysigan oo uu siiyey KNN