Kacdoonkii mucaaradka oo shalay dhaliyay ansixinta laba MOOSHIN oo muhiim ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay labo mooshin oo dhigayay in la is raaciyo doorashada madaxweynaha iyo doorashada ururada siyaasada/xisbiyada qaranka.

Mudaneyaasha Golaha ayaa sidoo kale qabyo tiray xeerarkii doorashooyinka khuseeyey oo dhan, kuwaasi oo muddooyinkii dambe xiisad xoogan ka dhex abuuray xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Fadhgigii shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ansixinta labada mooshin u codeeyay 33 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 19 mudane oo ka tirsan golaha.

Barkhad Batuun oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ansixinta labada xeer ay ku timid kacdoonkii shacab ee uu soo abaabulay mucaaridka, isaga oo xusay in tallaabada ay muhiim u aheyd ka baaqsiga qalalaase siyaasadeed.

“Maanta ayuu dalkii ka baxay khilaafkii siyaasiga ahaa, wuxuuna Golaha uu gutay masuuliyad weyn oo ka saarneyd umadda Somaliland nabad-gelyadooda, wada-jirka umadda iyo ilaalinta sharciga, oo indhaha umaddu soo eegayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabada uu xal kama dambeys ah u yahay cabashadii xooganeyd ee mucaaridka, taasi oo horseeday inay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ka dhacaan banaanbaxyo wata rabshado dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ka dhigan in uu halkaas kusoo idlaaday maalmihii adka ee Somaliland lugaha lasii galeysay, taasi oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista ururada.