Kadib go’aankii maamullada ee ka dhanka ahaa DF, shir maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho shir uga furmay Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, kadib khilaaf xoogan oo dhawaan soo dhex-galay wada-shaqeyntooda.

Shirka oo uu daah-furay Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamed Nuur ayaa waxaa looga wada-hadlay wada-shaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxay dhinacyadu uga wada-hadleen qaabkii loo qeybin lahaa 100 Milyan oo ka timid Bangiga Adduunka, taasi oo ay maamuladu diideen in laga siiyo wax ka yar Toban Milyan midkiiba, sida ay sheegeen.

Gebo-gabada shirka Wasiirada Maaliyadda heer federaal iyo dowlad-goboleed ayaa waxaa laga soo saari doona War-murtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay ka wada-hadleen iyo heshiiska wada-shaqeyn ee ay gaaraan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa laheyd Wasaaradda Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii todobaadkii hore Wasaaradaha Maaliyadda dowlad-goboleedyada ay ku dhawaaqeen inay xiriirkii wada-shaqeyneyd u jareen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada dowlad-goboleedyada ayaa waxay ku eedeyeen Wasaaradda Maaliyada dowladda federaalka inay jabisay heshiisyadii horey loo kala saxiixday ee kala ahaa: 1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019, 2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019, 3- Heshiiskii Kampala ee December 2019, 4- Heshiiskii Nairobi ee January 2020, 5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay hore u qaadeen maamul goboleedyada ayaa aheyd caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre, hase yeeshe waxay u muuqata in durtaba xal kama dambeysa ah laga gaarayo.