KASHIFAAD: Isbaarooyin uu dhaqaale ka soo galo wasiiro, saraakiil ciidan iyo gudoomiyaal degmo + Magacyada

Warar lagu kal soon yahay ayaa muujinaya in uu dhaqaalle badan ka soo gallo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, isbaarooyin la dhigay deeggano ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Meelaha isbaarooyinka ay yaalaan waxa ka mid ah Siinka-dheer iyo Baar Ismaaciil oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose.

Lacagta ka soo xaroota isbaarooyinka waxbo dowladda Soomaaliya kama soo gaarto, ee waxa kala qaybsada dhowr nin oo uu ka mid yahay :

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Cabdu Qaadir Maxamed Siidii.

Abaandulaha Ciidamada Soomaaliyeed Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban.

Siihayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya Cabdi Samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga oo uu ka mid yahay Col. Max’ed Rooblle Jimcaale Gooballe oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda iyo kooxo maleeshiyo ah oo halkaas joogta isla markaana aysan cidna ka amar qaadan

Hadaba sidan ayaa loo qeybsadaa dhaqaalaha ka soo xaroodo Isbaarada:

1-50% waxa lacagta qaata ciidamada xooga.

2-5% waxaa qaata Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban.

3-5% waxaa lacagta qaata saraakiil saaxiibo la ah Genaral Cabdi Kariin Aadan Dhagaban sida Max’ed Rooblle Jimcaale Goobaale, Ibraahim Yaroow iyo Goordan.

4-10% Waxa lacagta qaata Wasiirka arrimaha gudaha amniga Cabdi Samad Macallin Maxamuud lacagta isaga si toos uma qaato ee waxa loo soo marsiiyaa oo u qaada nin lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Cabdi oo katirsan Maamulka G/Shabeelada Hoose.

5-15% Gudoomiyaasha G/Shabeelada Hoose Cabdu Qaadir Maxamed Siidii

6-15% Waxaa qaata maamulka ugu sareeya Gobolka shabeelada Hoose, laakiin sida lasheegay lacagtaan waxaa hada si xoog ah ku qaata ciidamada Milatariga ee halkaas kusugan.

Isku soo duub dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose, ma ahan dad dhib badan oo waxa ay doonayaan nabad ka dhalata gobalka oo dhan, laakin waxa dhib weyn ku haya ciidanka halkaas la geeyay eek a tirsan dowladda, kuwaasoo dhac joogta ah, kufsi iyo dil u geesta dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose.

Dowladda dhowr jeer ayey sheegtay in ay wax ka qaban doonto falalka ku soo noq-noqday gobalka Shabeellaha Hoose, laakin siddii loo doortay guddoon cusub oo baarlamaan, madaxweyne iyo ra’iisal wasaare, cid wax kala socda xaaladda G/Shabeellaha Hoose ma jirto.

Gaadidka dad weynaha ee ka shaqeeya Afgooye iyo Muqdisho waxa ay markata ka cabanayaan isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay wadada u dhexeesa Muqdisho iyo Afgooye kuwaasoo lacago badan looga qaado.