Kenya oo arrin halis ah ku eedeysay ciidamada Janan

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda dalka Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada uu wato wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Cumar Maxamed Macalin oo ah xildhibaan laga soo doorto bariga Mandera ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibiyaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi, isaga oo arrintaasi nasiib darro ku tilmaamay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidanka dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa soo aadeysa, iyadoo dhowaan ciidamada wasiir Janan ee ku sugan Mandera lagu eedeeyey inay dhac iyo kufsi ka geysteen halkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso codka.