Kenya oo ka cago jiideysa inay fuliso heshiis muhiim ah oo ay la gashay Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa bartamihii bishii December ee sanadkii hore 2020-ka heshiis lagu tilmaamay ‘mid macno gaar ah sameynaya oo muhiim ah’ la gashay dowladda Kenya oo xiligaas khilaaf xoogan kala dhaxeeyay dowladda federaalka.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxa qalinka ku wada duugay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi iyo midka Kenya, Uhuru Kenyatta, kadib socdaal uu dalkaas ku tagay madaxweynaha Somaliland.

Heshiiska labada dhinac oo fulintiisa lagu sheegay inay dhacayaan bisha geba-gebada ah ee March, 2021-ka, ayeysan muuqan ilaa hadda wax dhaq-dhaqaaq ah oo laga sameeyay heshiiskaas.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ahaa in dowladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo meeqaamka xafiiskeeda Magaalada Nairobi.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qeyb ka ahaa in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaar isla dabayaaqada bisha March ee sanadkaan.

Heshiiskaas ayaa waxa kale oo ku jiray qoddob xasaasiya oo dhigayay in madaxda Somaliland ‘Dal ku Galka Kenya’ la siiyo marka ay gaaran Kenya, ayaga oo wata Baasaaboorka Somaliland, oo ku dooda inay ka go’day Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa fulinta heshiiskaas oo ku mudeysneyd bisha March gebi ahaanba aysan muuqan wax ifafaalo ah oo muujinaya in heshiiskaas uu si dhab ah u dhaqan-galayo, ayada oo si weyn uga meer-meerayso Kenya.

Kenya ayaa lasoo warinaya in heshiiskaan ay uga war-wareegayso arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, waxayna falan-qeeyayaasha siyaasada ku doodeen in ugu horeyntiiba ay ujeedo gaar ah uga dhigtay dabayaaqada March, ka hor muddo xileedka dowladda federaalka oo ku mudeysnaa bilowgii Febraayo, waxaana xusid mudan in ilaa hadda aan heshiis rasmi ah laga gaarin doorashada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa muddooyinkii dambe ka dhaxeeyay khilaaf diblumaasiyadeed, kaasi oo gaaray in xiriirka u jarto dowladda federaalka oo ku andacooneysa faro-gelin gudaha ah, sidoo kale waxaa ka dhaxeeysa dacwada kiiska Badda oo dhawaan ka furmatay maxkamdda ICJ, ayada oo ay ka maqan tahay Kenya.