Kenya oo ka hadashay tallaabadii ay Raaskambooni Kismaayo kaga celisay waftigii Amisom iyo DF

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay dhacdadii laba maalmood ka hor ka dhacday magaalada Kismaayo, halkaasi oo dagaal yahannada jabhadda Raaskambooni ay celiyeen wafti ka socday dowladda Somalia iyo Amisom.

Wasiirka Dalxiiska Kenya, Danson Mwazo ayaa cudur daar u yeelay tallabadaasi, islamarkaana difaacay.

Danson, oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa sheegay in loo baahnaa in marka hore qaban qaabo la sii sameeyo, ka hor inta aysan waftiga halkaas iman.

“Aniga iskama gali karo aqalka baqortooyada UK, waa in lasii sheegaa oo lasii diyaariyaa wax walba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu difaacay eedeymaha ku saabsan in dowladdiisa ay garab siiso maleeshiyada hal beel oo ay Kismaayo u qabatay.

“Maleeshiyo maahan, waa ciidan dowladeed, midda kalena aniga ma kala aqaano qabaa’ilka Soomaalida, Soomaalida waa isugu key mid” ayuu yiri.

Dhinaca kale Danson Mwazo ayaa sheegay in joogitaankooda Soomaaliya yahay mid aan cayineyn oo aan waqti lahayn.

Wasiirku, waxa uu sheegay in aan waqti loo qaban karin ka bixitaanka ciidankooda ee Soomaaliya, waxaana uu sabab uga dhigay inay dagaal kula jiraan argagixiso.