Kenya oo qarka u saaran inay DF kala wareegto baaxad weyn oo ah badda Somalia (Wada-hadal gebo gebo ah)

Wararka ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa tibaaxay sida “Kenya ugu niyad santahay uguna rajo-weyn tahay in ay heshiis xagga badda ah la gelayso Soomaaliya.”

Hadallada ay warbaahinta Kenya ku celcelinayaan, shacabkoodana ka dhaadhicinayaan, waxaa ka mid ah: in Kenya muran badeed kala dhexeeyo Soomaaliya, hadalkaas oo qadaf ku ah jiritaanka dhulka Soomaaliyeed inta ka madax bannaan gumaysiga.

Warbixinada arrintaas ka hadlaya waxaa ugu dambeeyey qoraalkii jariidada BusinessdailyAfrica daabacday June 5, 2014 oo cinwaanka uga dhigtayKenya upbeat on ocean deal with Somalia kuna bilowday “Kenya waxay ku rajo weyn tahay in ay heshiis la gaarto Soomaaliya kaas oo ku saabsan sahaminta khayraadka ku jira qaybta lagu muransan yahay ee xuduud badeedka ay ka wadaagaan badwaynta Hindiya.”

Waxaana qoraalku intaas raaciyey in Kenya sheegtay in labada dal uu wadahadal uga socdo dukumiintiyadii ay u kala gudbisteen qaramada midoobay qaybta u qaabilsan qalfoofka qaarada (ama xadaynta badaha).

Dawladda Federaalka Soomaaliya arrintaas weli jawaab kama bixin.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed aad ayey ugu baraarugsan yihiin in Soomaaliya iyo Kenya uusan ka dhaxayn “muran badeed”, balse waxaa ka dhexeeya muran dhuleed, maadaama Kenya gumaysi ku haysato dhul ballaaran oo Soomaaliyeed oo ah Northern Frontier District (NFD) ayna ula baxeen North Eastern Province.

Muranka “badda” ay Kenya ku andacoonayso waa mid laga dheregsan yahay in la dhoodhoobay xilligii xukuumadii Soomaalida loogu soo dhisay Jabuuti ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Axmed.

Cabbirka ay Kenya sida indhasarcaadka ah u wadato waxaa kamid ah in ay doonayso in xarriir u socota dhanka bari ay ku xadayso badda taas oo xuduudkeeda badda keeneyso meel u dhow Kismaayo, halka cabirka caadiga ah jiray uu yahay xarriiq u socota Koonfur bari.

In badan oo shacabka Soomaaliyeed ka mid ah ayaa rumaysan in xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya ee ay hoggaamiyaan Xasan Maxamuud iyo Cabdiwali Axmed ay u muuqato xukuumad aan si geesinimo leh u qaabili karin ka hortagga damaca gurracan ee Kenya ku doonayso inay dhaxal wareejiso baaxad weyn oo badda Soomaaliya ah.

Laakiin shacabka Soomaaliyeed waxay weli rajo ka qabaan in baarlamaanka Soomaaliya ay markale u babac dhigi doonaan, kana hortegi doonaan damaca qaawan ee Kenya ku doonayso dhul iyo bad ballaarsiga.

Isha: Somalitalk