Kenya oo shaacisay heshiis ay kusoo gaartay Muqdisho iyo dhisme ay ka billaabeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa markii u horeysay ku dhawaaqday inay bilaabi doonto dhisme cusub oo safaaradeed, midkaasi oo qeyb ka noqonaya dib usoo nooleynta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe uu mad-madow badan hadheeyay.

Dhismaha safaarada Kenya ayaa wax badan ka bedeli doona howlaha xiriirka labada dhinac, xili ay dooneyso Kenya inay hagaajiso xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneysa xili uu magaalada Muqdisho soo gaaray maalintii Sabtidii, wafdi ka socda madaxda ugu sareysa ee Arimaha Dibada, kuwaasi oo dowladda federaalka kala hadlay iskaashiga Ganacsi oo ay ugu weyn tahay arrinta qaadka.

Kulamada labada dhinac oo u muuqday kuwo dib boorka looga jafayo xiriirka fadhiidka noqday ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa sidoo kale waxa looga hadlay Iskaashiga labada dhinac iyo arrimaha Amniga.

Xoghayaha guud ee arrimaha dibadda, Macharia Kamau oo hadal jeediyay kulamadaasi kadib, ayaa sheegay in Kenya ay u aragto xiriirka ganacsi mid ka wanaagsan kan lagu horumarin karo xiriirka guud ee ka dhexeeya dalalka.

“In aan ka fikirno in caqabadaha si buuxda loo xaliyaa ugu horeyn ka hor intaanan bilaabin ganacsiga iyo iskaashiga waa inaan dhayalsanaa oo la fahmaa aasaaska horumarka,” ayuu yiri Kamau oo la hadlayey Nation.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo howlihii ganacsiga, isla markaana ay dowladda federaalka ay ka qaado xayiraada saaran qaadka looga soo dhoofiyo Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid hooseeyo, iyada oo ay Soomaaliya hakisay qaadkii faraha badnaa ee uga imaan jiray Kenya, midaasi oo dhalisay ismari waa labada dhinac ah, inkasta oo u wax ka badelay mowqifkii adkaa ee Kenya.

Dowladda Kenya ayaa iyadu u muuqata mid dib u eegis balaadhan ku sameynaysa xiriirkeeda Soomaaliya, taasi oo meesha ka saari doonta go’aamo adag oo ay hore ugu soo rogtay Soomaalida, kuwaasi oo ay keenen xiisada labada dhinac.