Kenya oo shaacisay tallaabo ay qaadeyso kadib markii ay ka baxday dacwada badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maxkamadda ICJ ay ku gacan seyrtay dalabkii Kenya ee ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa xukuumadda Nairobi waxay ku dhowaaqday tallaabo kale oo qaadeyso.

Kenya ayaa shaaca ka qaaday in kiiskaasi ay hor-dhigi ama u gudbin doonto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si ay u soo fara-gelinayaa, ugana doodaan.

Dowladda Kenya oo aan shalay xaadirin fadhiga maxkamadda ee dhageysiga dacwadda ee maxkamadda ayaa wadata mar-mariisyo ay ku dooneyso inay qiil ugu raadiso maqnaashiyaheeda, kadib markii ay ku gacan seyrtay maxkamada cadaalada adduunka.

Sidoo kale Kenya oo ka mid ah dalalka aan rigliga ahayn ee ka tirsan golaha ammaanka  ayaa dooneysa in la’iskula tago Qaramada Midoobay, waxaana arrintan ay muujineysaa inay Kenya ku jirto xaallad quus ah oo ku aadan dacwadda badda ee maxkamadda ICJ.

Soomaaliya oo is-difaacideeda shalay ka jeedisay magaalada Hague ayaa maanta mar labaad ku laaban doonto fadhiga maxkamadda, si ay sii socoto dhageysiga dacwadda.

Si kastaba Kenya ayaa 14-kii bishan ku dhowaaqday inay isaga baxday dacwadda badda ee ICJ, waxaana ay ku eedeysay maxkamadda inay u xaglineyso Soomaaliya, sidoo kale uu saameyn ku yeeshay inay qoroto qareeno cusub cudurka saf-marka ah ee Covid-19.