Khabiir amni oo sheegtay in qorshaha Xasan kaliya aan looga adkaan karin Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysaneysa hadal heynta suurta-galnimada dagaal ay dowladda Soomaaliya ku qaado kooxda Al-Shabaab oo 15 sano ka dagaalameysa Soomaaliya, awood badana ku leh gobollada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeen ka hors ii xoojiyey ballanqaadkiisa dagaal ay dowladda la gasho Al-Shabaab oo lagu tirtiro kooxdaas.

Dagaalkaan uu iclaamiyey Madaxweyne Xsaan Sheekh ee dowladiisu ay ku qaadeyso Al-Shabaab maahan markii ugu horreysay ee sanadkii 2012-kii ayuu sidaan oo kale dagaal u iclaamiyey Xasan, sidoo kale madaxweynayaashii kale ee soo maray Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dagaal ka dhan ah kooxda ugu dhawaaqi jiray.

Khubarada amniga iyo ciidanka ayaa qaba in cudud milatari kaliya aan lagu wajihi karin dagaalka Al-Shabaab, waxaa jirta aragti xoog leh oo qabta in wadahadal lala galo kooxda, waa hadiiba ay dhinacooda suurta geleyso.

Jeneraal Maxamed Nuur Caliyow oo ka mid ah saraakiishii hore ciidamada Soomaaliya ayaa ku jira khubarada qabta fikirka ah in Al-Shabaab wadahadal lagu dayo.

Jeneraal Maxamed Nuur Caliyow oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa fikirkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab wuxuu uga waramay Idaacadda VOA, isagoo cabiray tayada ciidanka Soomaaliya ee Xasan Sheekh uu doonayo inay dalka xoreeyaan.

Jananka ayaa madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyey in dagaal kaliya aan lagu wajihin Al-Shabaab ee wadahadal lagu dayo, isagoo Shabaab-na u soo jeediyey in wax badan ay ka tanaasulaan oo dadkooda ay dilka ka daayaan, soona bandhigtaan waxa ay doonayaan.

“Ciidamada Soomaaliya waxaa lagu soo tababaray wadamo kale duwan, tababarna waxaa ugu fiican kan dagaalka lagu qaato, ciidanka Soomaaliya ma helaan tababar joogto ah, sidaas darteed ma tayo badna, iskaashi iyo wadashaqeyna ma jirto,” ayuu yiri Jeneraal Caliyow.

Wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii Hotel Xayaat oo sida uu sheegay ciidankii la tacaalayey howlgalkaas aysan laheyn wax kala dambeyn iyo khibrad ah toona.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado, madaxda hadda hoggaan u qabatay Soomaaliya hada lama dhaliili karo ugu yaraan sanad ama laba sano markii ay xafiiska joogaan kadib ayaan la xisaabtami karnaa, sababtoo ah weli waxaa ciidanka hoggaamiya saraakiishii ay magacaabeen madaxdii hore, marka dhaliisha amni daradaan madaxda cusub ma saari karno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jananku.

Wuxuu u soo jeediyey madaxda cusub ee dowladda inay cashirro ka bartaan wixii dhacay, is bedel deg deg ahna ku sameeyaan hoggaanka ciidanka, wadashaqeynta iyo tayadooda intaba.