Khamri iyo daroogo lagu qabtay Sool iyo Nugaal oo la gubay + Sawirro

Ciidamada amaanka ee magalada Garowe oo mudooyinkii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Nugaal iyo Sool ayaa waxay gacanta ku soo dhigey gaari siday khamri gaaraya 197 dhalo iyo xashiishad,kaasoo la horkeenay maxkamada darakada kowaad ee gobalka Nugaal.
Maxkamada ayaa ku xukuntay khamriga in la gubo iyadoona sidoo kale xukun lagu riday dadkii watay qaarkood halka kuwo kalena ay ka baxsadeen ciidanka.

Goobta khamriga iyo xashiishada lagu gubayay oo ahayd duleedka galbeed ee Garoowe ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Puntland Gen.Muxyadiin Axmad Muuse .

Taliye Muxyadiin ayaa sheegay sidaan oo kale inay gacanta kusoo dhigeen khamri faro badan oo la soo galiyay Gobalada Mudug iyo Bari,wuxuuna wacad ku maray inaysan har iyo habeentoona aysan ka hari doonin dadka khamriga soo galiya Puntland iyo kuwo ka ganacsadaba.
In wax laga badalo sharciga L5 oo ka hadlaya khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya ayuu ku baaqay Muxyadiin Muuse,wuxuna  sheegay inay waajib tahay in la xukumo ninka khamriga ka ganacsada amase lagu tuhmo.

“Run ahaantii sharciga lagu xukumayo khamriga iyo waxyaabaha maanka dooriya waxan codsanayaa in wax laga badallo” ayuu yiri Taliyuhu isaga oo u jeedey golaha xeer-dejinta.

Dhanka kale waxaa ka war bixiyay qaabkii loo xukumay khamriga iyo cidii wadatay Gudoomiyaha maxkamada Darajada kowaad ee Gobalka Nugaal Shiikh Cabdinuur Jaamac Xusseen oo tilmaamey in maanta maxkamada la hor keenay khamrigaan intaasi ka dibna ay ku xukumeen in la gubo gaarigii lagu soo qabtayna ay la wareegto Dowlada Puntland.
Ugu danbayntii Taliyaha saldhiga Garoowe Dhame Aadan Muuse Jaamac ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga  sidii mar kasta gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada khamriga iyo xashiishada,wuxuna ku dhaliilay shacabka inay garab siiyaan dadka dulmiga iyo xumaanta ka shaqayeena.
Waa tiradii ugu badnayn oo khamriya isla markasina ay gubaan ciidanka amaanka Puntland,waxaana magaalooyinka waa wayn ee Puntland ka socda Howlgallo lagu baacsanayo dadka soo galiya magalooyinka khamriga oo badi dhinaca Ethiopia laga keeno.
Isha: GO