Khasaaraha AL-SHABAAB lagu gaarsiiyey howl-galka Hiiraan oo kordhay + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay ka sameeyeen deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buula-burte ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo war ka soo saaray howlgalkaas ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada ay haatan korortay, isla-markaana ay gaartay illaa 75 xubnood oo ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay soo qabteen tiro kale oo maxaabiis ah oo haatan ku jira gacanta ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay in weli uu sii soconayo howlgalkaasi.

“75 ka mid ahaa maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman sidoo kalana lagu qabqabtay tiro maxaabiis ah oo katirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab,” sidaas waxaa yiri taliye Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA.

Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale soo bandhigtay meydadka xubnaha Al-Shabaab looga dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya balse xaalada deegaanada lagu dagaalamay ayaa ah mid aad u kacan oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda, kaas oo tan markii uu billowday ay dowladda Soomaaliya shaacisay in lagu dilay ilaa 200 oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.