Khasaaraha rabshadaha Somaliland oo sare u kacay iyo tirada dhimashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa goordhoweyd ka hadlay dibad-baxihii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay magaalooyinka Somaliland, kuwaasi oo looga soo horjeeday madaxweyne Muuse Biixi.

Taliyaha howl-galinta Ciidamada Booliska Somaliland, Sareeye-guute Ibraahim Cabdi Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dibad-baxii maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dibad-baxyada rabshadaha watay ay ku dhaawacmeen 89 qof, kuwaasi oo kala ah 27 shacab ah iyo 62 Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland, sida uu sheegay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland.

“Dagaal ayey kala hor imanayeen ciidamada markay yidhaahdaan halkii la idinku tala-galay banaanbaxa salmiga ah ku qabsaday, sharci-daradaa balaadhan ee ku xadgudub ku ah nidaamkii loogu tala-galay, ayaa waxay keentay inay dhaawacaan isku geyn ciidan boolis ah 62 ah, saddexdaas magaalo ee Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo,” ayuu yiri.

Taliyaha ayaa sheegay in dibad-baxyada rabshadaha watay ay ciidamada ka diyaariyeen gal dacwadeedyo, islamarkaana ay u soo xir-xireen illaa 100 qof, oo warbixintooda ay u gudbiyeen maxkamadaha iyo xeer ilaalinta.

“Masuuliyada waxaa yeelan doona kow masuuliyiinta labada xisbi ee iyagu ku kacay wax aan aheyn nidaamkii salmiga ahaa ee loogu tala-galay, ee Hargeysa 11 meelood isugu soo ururiyay ciidan u dagaalamaya oo dad ah, oo aan ogoleyn banaanbixii salmiga ahaa ee la sheegay oo u socda rabshad kale.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dibad-baxyadii rabshadaha watay ay hakad galiyeen waxbarashada, howlihii caafimaadka iyo adeegyada kale ee daruuriga u ahaa bulshada, isagoona uga digay shacabka in markale qeyb ka noqdaan rabshaha noocan oo kale ah.