Khasaare Malaayiin Dollar ah oo ka dhashay dabkii xalay ka kacay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ka kacay suuqa Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabkan ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay Khasaare lixaad leh oo malaayiin Dollar gaaraya, wuxuuna baabi’iyey suuqaas oo ku fadhiya masaafo dhan 5KM.

Sidoo kale waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi iyadoo haatan lagu guuleystay in la damiyo inta badan dabkaasi.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo ka hadlay dhacdadan ayaa shaaca ka qaaday in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.

Dhanka kale lama sheegin illaa hadda dad ku dhintay dabkaasi, marka laga reebo hantida gubatay.

Baasho Bushaaro oo ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa u sheegay Wariyeyaasha inay ka gubatay illaa 10 mehradood oo uu ku lahaa suuqa, uuna ku waayey 400 oo kun oo Dollar.

“Waxaan deganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen” ayuu yiri  ganacsade Baasho Bushaaro.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Umaddiina wey ku ceyroowday suuqa, xaaladda umadda caawa waa mucsir , hanti wixii suuqa yaallay waxbo ka aanay bixin laakiin waa wax Ilaahey qaddaray”.

Mas’uuliyiinta Somaliland dhankooda waxa ay sheegeen in sababta si deg deg ah loogu xakameyn waayay dabka ay aheyd in la waayay waddo loo maro goobta taasina ay horseeday in holaca uu qabsado suuqa isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday.

Si kastaba, lama ogo sababta ka dambeysay dabkan, inkasta oo ay wararka sheegayaan in markii uu hore ee dabka ka bilowday guri ku yaalla suuqa kaas oo markii dambe ku fiday gebi ahaanba suuqa Waaheen.